Google

Friday, March 24, 2006

 

Bayaan ay BIREM kasoo saareen Muqdisho.



Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Biimaal(BIREM) wuxuu caddeynayaa in weerarkii lagu qaaday saldhigga booliska ee Marka habeenimadii talaadada soo geleysay ee ku beegneyd 20kii Maarso,saacaddu markii ay aheyd 7:30 daqiiqo ee fiidnimo,( saacadda Marka),uu ahaa mid ay fuliyeen ciidamada BIREM ee Aagga 3aad,wuxuuna ka mid ahaa howl-gallada qorsheysan ee looga xoreynayo deegaanka, burcadka Indhacadde iyo xulufadiisa, loona soo celinayo sharaftii iyo karaamadii umadda,si ay uga tashadaan aayahooda.
Dilka,silcinta,kufsiga,dhaca iyo caga jugleynta ee ay ciidamada Indhacadde kula kacaan dadka deegaanka,marna ma hakineyso halganka BIREM ay ugu jiraan xoreynta deegaankooda,weliba waxay sare u qaadeysaa siina adkeyneysaa niyadda halgamayaasha.
Indhacadde inuusan laheyn damiir banii'aadanimo,waxaa idiin caddeynaya sidii uu u dilay ninka lagu magacaabo Xasan Abow oo u dhashay beesha Biimaal.
Xasan Abow oo bishaan 12dii laga soo qabtay tuulada Sagaaroole ayaan la geynin xabsi ku sheegyada Indhacadde,waxaana lagu hayay meel qarsoon oo ka tirsan magaalada Shalambood,waxaana meydkiisa lagu soo tuuray 18kii bishaan inta u dhexeysa Buufow iyo Ceel-wareegow,isagoo gacmaha iyo lugaha ka xir xiran afkana ay sharooto kaga dheggantahay.
waxaana jirkiisa ka muuqanayay dhaawacyo gugubid iyo raadad garaacid ah oo ay u badantahay 6dii casho ee ay hayeen la jir-dilaayay,kadibna uu u naf baxay sidii loo garaacaayay.
Sidoo kale,Indhacadde in uusan u naxyn qaraabo iyo xigaalo waxaa idiin caddeynaya dilkii ay ciidamdiisu u geysteen 19kii bishaan Maarso nin ganacsade ah oo la oran jiray Warsame Gaab ayna isku heyb yihiin,kaasoo isagoo ku sugan tuulada Mustaqbal ee K/waareey ay ciidamadiisu weydiiyeen canshuur in uu ka bixiyo dibiyo uu horey usoo gatay,ka dibna markii uu dood ka keenay ay baas ku fureen sida uu Indhacadde ku amaray.
Maraxuumkaas ayaa dadkii yaqaanay waxay sheegeen in uu ahaa nin ganacsade xalaal quute ah isla mar ahaantaasna necbaa xadgudubyada ay ku kacaan ciidamada Indhacadde.
BIREM waxay cambaareyneysaa falalka xadgudubyada ah ee ka dhanka ah banii'aadinimada ee uu caadeystay Indhacadde una geystaan dadka gobolka,waxaana u soo jeedineynaa in uu faraha kala baxo howlaha amar ku taagleynta ah ee uu halkaas ka wado.
Ugu dambeyntii waxaan cid walba u cadeyneynaa in BIREM si isdabajoog ah ay howlgalo uga fulineyso gobolka Sh/hoose ilaa ay ka gaarto ujeeddooyinkkooda
Halgan - Adkeysi - Guul.

Maxamed Cusmaan YaraasAfhayeenka BIREM ee uk- londonE-MAIL ADREES lix_mooro@hotmail.co.uktel no 00447944849308 .
Afhayeenka BIREM ee Muqdisho Xaaji Ibraahim Cali (Garuun ).
C/jabar Axmed Xuseen jabtifow@gmail.com
Xafiiska Shabakada Jammaame

 

Bayaan Siyaasadeed

Bayaan siyaasadeed ka soo baxay shir socday saddex maalmood oo lagu qabtay magaaladda Melbourne ee dalka Australia oo ay ka soo qayb galeen aqoonyahanno iyo waxgadar ku abtirsada Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay tiradoodu gaareysay boqol iyo konton ruux oo ka kala yimiday dhammaan Qaarradda Australia.
Shirkaas wuxuu ku saabsanaa sidii aragti mideysan looga yeelan lahaa wax ka qabadka dhibaatada lagu hayo dadweynaha ku abtirsada G/Sh/Hoose degmooyinkiisa kala duwan. Waxaa kaloo Goobjoogayaal ka ahaa aqoonyahanno iyo wax garad u dhashay Gobollada J/Hoose iyo J/Dhexe oo la masiir ah dadyooga gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale waxaa iyadana xusid mudan in ay shirkaas ka soo qeyb galeen qubaro ku xeeldheer Xuquuqda Insaanka oo ka socotay ha’adahaas, kuwaas oo aad ugu duunduleela xadgudubyada lagu hayo dadyooga ku nool gobolladaas, waxaana halkaas loogu gudbiyey sawirro dad jirdil lagu sameynayo, qoraallo gudaha laga soo diyaariyey oo tifaftirayey xad dhaafka wax soo saarka daroogada oo tuugada gobolka xoogga ku haysta ay ugu beddeleen wax soo saarkii caadiga ahaa ee beeraha iyo sida cashuur ku sheegga baadka ah oo dadka masaakiinta oo qutul yoonkooda aan ku filneyn.
Waxa sidaas oo kale shirka ka soo qeybgalay qubaro ka socotay daryeelka bayada (Environmental Groups) oo shirka soo hor dhigay qoraal ay hay’adda ka soo diyaarisay xaalufka xad dhaafka ah ee loo geystay welina ka socota dhulka hawdka ah ee xoolo dhaqatada gobolka nolosha u ahayd iyo weliba duurjoogtaba. Waxaase intaas ka sii darnaa in ay hay’addu ka fajasaneyd sida loo xaalufiyey geedmiroodkii dhul beereedka gobolka sida Cambaha, Bambeelmada iyo Mukayda oo ahaa calaamada dhul biyoodka.
Dulucda shirka oo ahayd in la xoojiyo, laguna midoowo kacdoonka xaq u dirirka ah ee ka socda gobolka oo looga soo horjeedo maamulka sharci darrada ah ku dhisan oo Galgaddud iyo Mudug ku abtirsada. Halgankaas oo ujeedadiisu tahay afka ciida loogu derayo cadawga, laguna soo celiyo sharafta iyo karaamada dadyowga deggan ee Soomaalinimada iyo Islamnimada aaminsan.
Waxaa kaloo dulucda shirka ka mid ahaa in qoraallo ka hadlaaya dhibka ka taagan gobolka shabeellaha Hoose loo gudbiyo hay’adaha Caalimiga, Goboleedka, NGO’S iyo dawladaha deriska la ah Soomaaliya., waxaana arrintaas loo xil saaray xubnno saddex ruux gaaraya oo aqoon gaar ah u leh arrintaas.
Shirka intuu socday waxaa khudbado ka soo jeediyey siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad iyo xubnahii ka qaybgalayaasha oo ka kala socday gobollada J/Hoose, J/dhexe iyo weliba qubaro ka socotay hay’adaha Xuquuqal Insaanka iyo Ilaalinta Bayada.
Gabagabadii shirka waxaa lagu doortay guddiyo saddex ah iyo Afhayeen. Guddiyada waxaa ka mid:
1- Guddiga isku xirka Beelaha iyo mideynta2- Guddiga Qoraallada iyo Warfaafinta( Media)3- Dhaqaalaha iyo4- Siyaasadda ( oo loo xilsaaray in soo jeediyo magic mideeya halganka)
Afhayeena waxaa loo doortay : PHD Mr Cabdi Issaq Axmed.
Baaqa shirka
1-Shirka wuxuu ugu baaqayaa dadyowga ku abtirsada Gobolka in ay ka midowaan la dagaalanka cadawga.
2-In ay isku geeyaan, talis mideysan u sameeyaan Ciidamada hubeysan
3- In laga abaabulo shirar lagu mideynayo dadka ku abtirsada ee ku nool qaarradaha adduunka
4-In dhaqaale xooggan si deg deg ah loo abaabulo ayadoo lala kaashanaya cid kasta oo daneyneysa wax ka qabadka dulunka lagu hayo dadka gobolka ku abtirsada
5-In dawladda ku Meel Gaarka ah gaar ahaan xidhibaannada iyo wasiirrada ugu jiro beelaha gobolka ay si cad arrintaan uga doodaan si wada jir ah.
Wabillahi Tawfiiq
Afhayeenka golaha
PHD Mr.Cabdi Issaq Axmed

Xafiiska Shabakada Jammaame

 

Baaq uu soo saarey af-hayeenka GABB

KU: DHAMMAAN JAALIYADDAHA B. BIIMAAL EE KU KALA NOOL DAAFAHA DUNIDA
UJEEDDO: CODSI WAX KA QABASHO ABAARAHA KA TAAGAN K/SOOMAALIYA
Dhammaan Jaaliyadda Biimaal ee ku kala nool daafaha dunida waxaa laga codsanayaa inay gargaar banii’aadinimo la soo gaaraan walaalahooda ku tabaaleysan gudaha dalka oo biyo & baad la’aantu ku haysato deegaannada koonfurta Soomaaliya.
Sida aad la socotaan waxaa waddankii gaar ahaan koonfurta wada saameeyay abaaro baahsan oo haleelay guud ahaan bulshadii ku dhaqneyd koonfurta haba kala darnaadeenee, warbaahinta gudaha iyo web-site-yada ayaa ahaa kuwii ugu horreysay ee u istaagay tebinta xaqiiqada ka jirta halkaasi, isla markaana abaabulay barnaamijyo wacyigelin ah oo dhaqaale loogu ururinayo dadkaasi Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Inkastoo ay bulshada ka mid yihiin qeyb badan oo qeyr doon waxna ka geystay dhibaatooyinkaas si kala saarid la’aan ah haddana Soomaalida meel kasta oo ay joogaan kama marna qabyaaladda iyo inay u gurmadaan hadba kan soo xiga ayaga oo deegaan walba dadka ka soo jeeda ayaa qeyb lixaad leh ka qaatay sidii macaawino loo gaarsiin lahaa dadkooda ha ahaato inay u qaylo dhaamiyaan hay’aadka samafalka ama haday iyaga iska qaadi lahaayeen intaba.
Haddaba, waxaa is weydiin leh dhulka Biimaal ee abaaruhu taabteen yaa u maqan? Miyaynaan beesheenu lahayn dad aqoon leh oo ugu yaraan u qaylo dhaamiya ha’yadaha samafalka si wax loo gaarsiiyo dadkooda? Miyeynaan wax u huri karin walaalaheena gaajadu iyo oonku ugu leynaaya dhulkii? Qof walboow dib isugu noqo oo is xisaabi naftaada, waxna u hur walaalahaada ku dhibaateysan Soomaaliya, Ilaahay xasanaatkaaga hakuugu daree, ogowna sadaqo waxaa ugu kheyr badan midka qaraabada & riximka la siiyo.
Haddii aan wax ka tilmaanno meelaha abaaruhu saameeyeen waxaa ka mid ah deegaanka Jammaame iyo tuulooyinka hoos yimaada, Dhinaca Marka waxaa aad loogu baaba’san yahay tuulooyinka xeebaha sida, Ceel Caddow, Buulo-Harraan, Muungi, Ceel-Axmed, Boorow, Daydoog, iyo qeybo badan oo dhoobeyda ka tirsan, waxaa inta ka sii daran deegaanka No.50 oo biya la’aan baahsan ay ka jirto dadkiina ay ka soo qaxayaan si ay u helaan dhul biya leh.
Deegaanka No.50 wax ka qabashada abaaraha hadda taagan ka sokow wuuxuu u baahan yahay in il gaar ah, lagu fiiriyo waayo haddii aan Biimaalka meesha degan loo helin ceel biyood si ay u degenaadaan halkaasi waxaa iska cad inay soo faaruqinayaan oo ay ku fidayaan beelaha dereska la ah, ee gargaarka meeshooda loogu geeyo, ayna oogu geeyaan kuwa ay ku abtirsadaa,ka dibna ku wareegaayo, haddaba Biimaalow dad nool ayaa Alla idinka dhigay ficiinna waxba idinma dheeraa ee isku tashada, gacantana fura oo isbara horta inaad wax bixisaan, ogaadana meeshii wax laga baxsho ayay wax ku darsamaan. Waxaan idinka rajeynaynaa waxqabad iyo in talaabo hore loo qaado.

Af-hayeenka GABB Maxamed Cabdulaahi yam yam yam_yam_3@hotmail.com
Xafiiska Shabakada Jammaame

This page is powered by Blogger. Isn't yours?

  • Awdal News
  • Cowslafil
  • Djibnet
  • Geeska Afrika
  • Jamhuuriya
  • Jammaame
  • Haatuf News
  • HargeysaOrg
  • Hiiraan
  • Onkod
  • Saylac
  • Shabelle
  • Somaliland Future
  • Somalia Today
  • Somalilandnet
  • Somaliweyn
  • Suxufi
  • Warsid
  • Michael Moore
  • Blogs
  • Africa Unchained
  • Friends of Ethiopia
  • archives
  • 26/10/2005
  • 28/10/2005
  • 30/10/2005
  • 01/11/2005
  • 06/11/2005
  • 07/11/2005
  • 08/11/2005
  • 09/11/2005
  • 13/11/2005
  • 14/11/2005
  • 15/11/2005
  • 23/11/2005
  • 25/11/2005
  • 06/12/2005
  • 31/12/2005
  • 19/03/2006
  • 24/03/2006
  • 01/04/2006
  • 14/08/2006
  • 26/01/2007
  • Nairobi
    HargeisaHargeisa
    BoramaBorama
    MogadishuMogadishu
    AddisAbabaAddis Ababa
    BerberaBerbera
    SheikSheik Mountains
    Somaliland
    Somaliland