Google

Tuesday, November 15, 2005

 

UK- Jaaliyadda beesha Biimaal

Jaaliyadda beesha Biimaal ee U.k. ayaa la soo xariirey webka Jammaame.com , ka dib markii ay ka soo baxeen kal fadhigoodii joogtada u ahaa, halkaa oo ay webka usoo gudbiyeen waxa ay ka qabaan iyo aragtidooda ku aaddan waxa ka dhacaayo deegaannadooda gaar ahaan , gobolka Marka..
Waxayna soo jeediyeen inaan u gudbinno arrimaha soo socda ummadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan,gaar ahaanna kuwa dalka gudahiisa ku sugan. Waxayna yirahdeen:
Ka dib markii aan indha indheynay arrimaha walaacsan uu dalkeenna maraayo , gaar ahaanna gobollada Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka ,kuwaa oo ah dhul beereedka , dalka Soomaaliya waxaan caddeyneynaa:-
1-Waxaan diiddannahay go'aannada la leeyahay Maxkamadda degmada ayay kasoo baxdey, si walbo ha u dhacaanee. Waayo Soomaalidu ayaa ku mahmaada " hal xaaraan ahi, nirig xalaal ah ma dhasho", saa darteed maxakamadaha ay dad gaar ah sameysteen , isla markaana dadka deegaanka ku dhacayaan waan ka soo hor jeednaa, waayo cadaaladda diinteen laguma maamulo mana aha kuwa ka timid dadweynaha deegaanka , keli waxay u daneeyaan kuwa sameystey.. taa oo ka dhigan waa maxkamad baadil ah.
2-Waxaan diiddannahay go'aanka ka soo baxay maxkamadda magaalada Marka ,lagu siiyey, dilaaga Maxamed Saciid Xirsi Morgan dhul beereed ee uu sheegtey inuu horey u lahaa, loogana qaadey kuwii waayahaan dalagga ooga baxaayey.ayada oo Soomaaliya oo idil ay ogtahay, inuu Moorgan ahaa kii Soomaalida horey u baabi'iyey, gaarsiiyeyna heerka ay maanta taagan tahay.Ilaa laga soo billaabo woqooyi ilaa koonfur inta u dhaxeyso, meel uusan dhiig ku daadan ma jirto, hase yeeshee maanta, waxuu la heshiiyey tuugadii gobolka Sh/hoose xoogga ku haystey kuwaa oo ay isku raaceen "gadh Islaannimo" u eg markay la woda baxeen , taa oo dantooda wadaajisey.
3-Waxaan canbaareyneynaa kuwa waqtigaan la joogo beer ka iibiyey, generaalkaa fara ku dhiig laha ah.iyo maxkamadda warqadda lahaanshaha u sameysey.waayo xilligaan la joogo tuugada ayaa iibiya beerihii ay dhaceen.taa oo ah hashii xaaraanta ahayd oo dhashey, nirig xalaal ah.waxaana leennaahy waa wax kama jiraan iibkaa.
4- waxaan xasuusinaynaa dadweynaha Soomaaliyeed general Morgan ilaa dhallinyeranimidiisa ayuu ku soo noolaa wax dhicidda markii horey oo uu kusoo xoogey magac dowladeed, maantase, waxaa luugu eexanayaa oo keli inuu ka soo horjeysto dowladda uu madaxda ka yahay C/laahi Yuusuf, hase yeeshee laba umbay ahaaneysaa, inuu C/laahi yuusuf uu illoobey khayaamadii af_gembigii uu isku deyey,inuu fashaliyey, amase ooga baxey, saana oogu eexdo, amase kuwa maanta uu gacma saarka la yeeshay uusan ogeyn wax ay ka doonayaan.
5-Hadduu madaxweynaha kuu eexdo, waxaad ogaataa dadkii aad carruurtooda laysey , weli inay weli kuu faruur qaniinayaan, waadna ogtahay, inaad dalka ku dhex joogtid gacmo ku gabbasho , oo aadan u meel mari Karin sida aad dooneysid, amase aadan u socon Karin sida ay facaaga u socdaankuna nooshahay habeen iyo dhuumaaleysi aan dhammaad lahayn..
6- Haddiise aadan ogeyn waxay kuwaa maanta maxkamaddooda kaaga soo xukumey beer aad ogtahay inaad markeedii hore xoog ku qaadatey waagi Siyaad Barre, waxaan kuu caaddeyneynaa, inay arrintaan tahay tii labaad oo aad kaga soo horjeysaneysid madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waayo waxaa lagugu sasabayaa beerta laguu xukumey maanta, haddiise aad ku guuleysatid ka soo horjedsiga madaxweynaha , waxaa kuu dambeysa in keligaa waraabe meelahaa kugu cuno.. taana waa hubaal oo aan fogeyn.waa waxaan u woda taagannahay waayo kuwa maanta wax ku siinaaya waa kuwa ayaga hal xaaraan ah wota.. waxaana kuu caddeyneynaa inaad woda tihiin fara ku dhiiglayaal.. hase yeeshee dib isu qabo.haddaad tahay wax garad.
7-Waxaan si caddaan ah u sheegeynaa in beertaa loo xukumey general Maxamed Saciid Xirsi inay ku taal deegaan u gaar ah beesha Biimaal "Busleey Daa'uud",halkaa oo wax raad ah aysan ku lehayn beesha uu ka dhashey Generaal Morgan , kaba sii daran,ninka lagu sheegey garsoore, Xasan Max'muud Cabdi, oo asagana aan u caddeyneyno, sharciga meel hakaga dhicin, waxaan kuu sheegeynaa deegaankaa dadbaa iska leh, Jananka lagu yidhi u xukunna meesha ri' adhi kama joogto, hase yeeshee dad uu dhiig ka galey ayaa deegaan uu u yahay. Waxaanse kuu sheegeynaa sharciga caqlina waa lagu daraa, ee ka daa, usha in la joojiyana bannaan, in la jiifiyana bannaan taa horey ayaa loo soo maraye.
8-Garsoore Xasan Maxamuud Cabdi , maxkamaddaa aad maanta wax ka xukuntey rag badan ayaa soo marey waxaa ka mid ahaa, qaalli "Huurshe"oo hubaal ah inaad in badan maqashey.
Nin reer Mudug ah ayaa nin deegaankaa u dhashey la qabsaday riti uu soo iib geystey, asaga oo leh aniga ayaa iska leh.. dacwaddii markii la qaadey ayaa waxaa laga codsadey inuu nin walbo keno marqaatidiisa,kii reer Mudug ilaa 4 gidaar fadhiida ahaa, ee ay isku reer ahaayeen ayuu soo kaxeystey, asaga oo ka soo dhaadhiciyey mid walbo inta uu siin doono.kii deegaankaa u dhashey waxuu soo kaxeystey, 2 reer miyi ah. Markii qaadi huurshe uu weydiiyey, kuwii reer Mudug dhaar ayay ku mareen(macnaheeda ma yaqaaniine)in ritigaan tii dhashey iska daayee, tii sii dhashey ayay yaqaanniin, ninkii deegaanka markhaatidiisa waxay caddeeyeen, inay hashii dhashey ritigaan, inay ninkaan saaxiibkooda mooridiisa ku arki jireen..Sidaa ayay reer Mudug ku heleen gartii..
Qaalli Huurshe ayaa soo raacey waxuu yidhi xukunka waxaa iska leh, ritiga, waa kaxeeyey labadii is haystey waxuuna geeyey halkii uu ritiga ku xidhnaa , markaasuu labadii is haystey midba dhan joojiyey, markaasuu yidhi"unnubu geellee anne" soo daaya ritiga waxuu u tegayaaye kii iska lahaaye, saa ayuuna ku xukuman yahaye, goorta la soo daayey, ayuu u tegey kii iska lahaa, halkaa ayaa lagu xidhey tuugadii reer Mudug, ayaga ayaa dib isu qabsadey oo woda sheegey inuu ninka saaxiibkooda lacag usoo ballan qaadey.. Xaqa ninkiisa umbaa u dambeeyo.. xukunkaaga caqlina ku darso garsoorow.gefka ha ku degdegin naarta ayaad deris tihiine..
9-Waxaan intaa raacinaynaa arrinta oogu mihimsan oo ah, gobollada Maamulka loo dhisaayo , gobollada Shabeellada Hoose iyo Juubbada Hoose, Maamul kastaa ee laga dhiso hadduusan ka iman dadka u dhashey waa mid aan sal iyo badh lahayn. Waxaan diiddan nahay qaanuunkii uu soo jeediyey C/qaasim Salaad ee jaa'irka ahaa, oo ah"u dhashey"taa waa banneysasho degaan. aan loo dhalan.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegeynaa intaan kor ku soo xusney waa xaq lagama noqdaan ah.. caddaaladana waa tan la woda la'yahay ,taana waa tan uu dalka la degi la'yahay, ee caddaaladda aannu raadineyno waxaan ka codsaneynaa intii cadaalad jecel iyo inta xaqdoon ah inay nagu garab istaagaan si ayagana ay u helaan waxa ay doonayaa. 1- Xaaji Abuukar Ibraahin duqa bessah Biimaal2- Xaaji Cali Cismaan Maclin Muuse(Cali Affare)3- Dr.Cabdi Rashid Cumar Nuur4- Maxamed Cismaan Cumar (maaddee Yaraas)5- Xaaji Cusmaan Cali Xasan(Xaaji Aawow)6- Xaaji Cumar Maxamed Cabdulqaadir (Caydaruus)
Jaaliyadda U.K ee beesha Biimaal intaa ayay kaga baxeen, aragtidoodii qiimaha iyo qaayahay lahayd ee ay ummadda Soomaaliyeed u soo jeedinayeen. .

This page is powered by Blogger. Isn't yours?

  • Awdal News
  • Cowslafil
  • Djibnet
  • Geeska Afrika
  • Jamhuuriya
  • Jammaame
  • Haatuf News
  • HargeysaOrg
  • Hiiraan
  • Onkod
  • Saylac
  • Shabelle
  • Somaliland Future
  • Somalia Today
  • Somalilandnet
  • Somaliweyn
  • Suxufi
  • Warsid
  • Michael Moore
  • Blogs
  • Africa Unchained
  • Friends of Ethiopia
  • archives
  • 26/10/2005
  • 28/10/2005
  • 30/10/2005
  • 01/11/2005
  • 06/11/2005
  • 07/11/2005
  • 08/11/2005
  • 09/11/2005
  • 13/11/2005
  • 14/11/2005
  • 15/11/2005
  • 23/11/2005
  • 25/11/2005
  • 06/12/2005
  • 31/12/2005
  • 19/03/2006
  • 24/03/2006
  • 01/04/2006
  • 14/08/2006
  • 26/01/2007
  • Nairobi
    HargeisaHargeisa
    BoramaBorama
    MogadishuMogadishu
    AddisAbabaAddis Ababa
    BerberaBerbera
    SheikSheik Mountains
    Somaliland
    Somaliland