Google

Sunday, November 13, 2005

 

Dagaalkii ka socday degmada Yaaqshiid oo sii xoogeystay.

Mogadishu 13 Nov. 05 ( Sh.M.Network) Dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Maxkamada islaamka ee degmada Yaaqshiid iyo maleeshiyooyin degaankaasi ku sugan ayaa sii xoogeystay ka dib markii ay burburtay waan waan la doonayay in lagu joojiyo dagaalka, waan waantaas oo ay wadeen odayaaliyo waxgarad ka tirsan labada dhinac.
Dagaalkan oo mar kale bilowday abaarihii 10:30 kii barqanimo ee saakay ayaa ku fiday degaano hor leh, iyadoo rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac ay ka bilaabatay agagaarka saldhiga degmada Yaaqshiid oo iminka xarun u ah ciidamada Maxkamada islaamiga ee degmada Yaaqshiid, iyadoo xiliga rasaastu ay bilaabatay ay ku sugnaayeen gudaha maxkamada Gudoomiyaha Midowga maxaakiimta islaamiga Muqdisho Sheekh Shariif iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho.
Wariyeyaal ka tirsan Shabelle oo tagay goobta dagaalka ka hor intii aysan bilaaban israsaaseynta ayaaney u suuro galin in ay la kulmaan Gudoomiyaha maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho si ay wax uga ogaadaan waan waanta la doonayay in lagu joojiyo dagaalkan iyo qasaaraha dhinacooda inta uu la eg yahay balse, daqiiqad uun ka dib ayaa waxaa bilowday rasaas xoogan oo kooxaha maleeshiyooyinka ah ay la beegsadeen ciidamada maxkamada islaamiga, iyadoo xaaladuna ay noqotey mid adag oo qof kasta uu doonayay in uu la baxsado nafsadiisa.
Ilaa iyo hadda ma jiraan wax warar ah oo ka soo labada dhinac oo ku saabsan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee uu geeystay dagaalkan, inkastoo ay jiraan warar aynu ka helanay Isbitalka Madiina oo sheegaya in 14 ruux oo dhaawac ha la geeyay kuwaasi oo isugu jira maleeshiyooyinkii dagaalamay iyo dad rayid ah, iyadoo 11 ka mid ah dhaawacyadaasi ay ahaayeen kuwo xaaladoodu liidato.
Dagaalkaan oo aan wali si rasmi ah u istaagin ayaa waxaa jira is rasaaseyn teel teel ah oo labada dhinaca ay isku ridayaan, iyadoo dad aad u fara badan ay ka qaxayaan halka dagaalka uu ka socdo.
Dagaalkaan oo saakay bilowday ayaa salka ku haya shineemooyin ay albaabada u laabeen maxkamada islaamiga degmada Yaaqshiid, ka dib holwgal ay shalay ka fulisay degmada Yaaqshiid oo ay ku xir xirtey dhowr shineemo.
Shabelle Media Network, Mogadishu

 

Ra’isulwasaare Geedi oo lagu eedeeyay in uu inkirey dhul Soomaaliyeed oo maqan

Helisinka 12 Nov. 05 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha ururka dib u dhiska soomaalida iyo horumarinta bulshada ee ka jira dalka Finland Eng. Idiris Xasan Faarax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in R/wasaaraha DFS Cali Maxamad Geedi uu sheegay inaanay jirin dhul soomaaliya leedahay oo ka maqan arintaasoo ah mas uulkii ugu horeeyay ee soomaaliyeed ee sheega warkaas oo kale taariikhda inta la og yahay war saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha ururka Somali Reconsrtuction And Social Development Idiris Xasan Faarax ayuu ku sheegay arintaasi markii idaacada BBC uu dadka kala hadlayey waxaana war saxaafadeedkaasi lagu xusay in Geedi uu inkiray Calankii Soomaaliyeed gabi ahaantii isla markaana aan la garanaynin sabab loogu tilmaamo in uu raisul wasaari ka yahay soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye waxuuna uga tacsiyadeeyey dhamaan mawaadiinta soomaaliyeed meel kastaa oo ay joogaan hadalka aan u qalmin ummada soomaliyeed sidoo kale war saxaafadeedkaasi ayaa lagu xusay in R/wasaare Geedi uu sheegay markii uu ka hadlayay Gobolada W/galbeed ee soomaaliya isaguna in uu u yaqaano Somaliland oo hadii la aqoonsado ay tahay xaquuq ka maqnayd oo ay heleen, hadaba maxay tahay xaquuqda ka maqnaan karto gobolada soomaaliya gobolo kamid ah ayuu isku waydiiyey war saxaafadeedkiisa sidaa darted baan umada soomaaliyeed u cadaynaynaa in warka geedi uu yahay war aan sidaa micno lahayn u lahayn oo raqiis ah .
ugu dambayntii war saxaafadedka uu soo saaray gudoomiyaha ururka Somali Reconsrtuction and Social Development ee ka jira dalka Finland Eng. Idiris Xasan Faarax ayaa lagu sheegay inay xasuusinayaan R/wasaare Geedi in soomali ay jirtay jirina doonto, loona baahan yahay inuu is casilo Geedi waa sida lagu xusay war saxaafadedkaasi

Shabelle Media Network, Finland

This page is powered by Blogger. Isn't yours?

  • Awdal News
  • Cowslafil
  • Djibnet
  • Geeska Afrika
  • Jamhuuriya
  • Jammaame
  • Haatuf News
  • HargeysaOrg
  • Hiiraan
  • Onkod
  • Saylac
  • Shabelle
  • Somaliland Future
  • Somalia Today
  • Somalilandnet
  • Somaliweyn
  • Suxufi
  • Warsid
  • Michael Moore
  • Blogs
  • Africa Unchained
  • Friends of Ethiopia
  • archives
  • 26/10/2005
  • 28/10/2005
  • 30/10/2005
  • 01/11/2005
  • 06/11/2005
  • 07/11/2005
  • 08/11/2005
  • 09/11/2005
  • 13/11/2005
  • 14/11/2005
  • 15/11/2005
  • 23/11/2005
  • 25/11/2005
  • 06/12/2005
  • 31/12/2005
  • 19/03/2006
  • 24/03/2006
  • 01/04/2006
  • 14/08/2006
  • 26/01/2007
  • Nairobi
    HargeisaHargeisa
    BoramaBorama
    MogadishuMogadishu
    AddisAbabaAddis Ababa
    BerberaBerbera
    SheikSheik Mountains
    Somaliland
    Somaliland