Google

Monday, November 07, 2005

 

Wasiirada Hubeysan ee Muqdisho oo Ra’iisal Wasaare Geeddi ku Cidleeyay Xarunta Villa Soomaaliya



Wasiirada hubeysan eek u sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku cidlaayay Ra’iisal Wasaare Geeddi xarunta Villa Soomaaliya,iyagoo wax kama jiraan ka soo qaday baaqii shalay Geeddi ku sheegay inay ka soo qeybgalaan shirkiisa manta ka dhacay Villa Soomaaliya.
Muuse Suudi, Qanyare, Cumar Finish, Bootaan Ciise iyo kuwa kale ayaa dhag u dhigin codsigii Geeddi ahaa inay ka soo qeybgalaan shirkii uu qabanayay manta, kaas oo ka dhacay Villa Soomaaliya, baaqaas bedelkiisa ayaa waxay ka dhigeen shir kale Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare ayaa ku tilmaamay safarka Geeddi ee muqdisho mid aan waxba ka jirin oo aan waxba soo kurdhinaynin, balse looga dan leeyahay in midowga Yurub lacag looga soo qaato.
“u tagi maayo, mana u tagayo, meel uu joogana ma tagayo, maxaa yeelay Filimka waxaa atoore ka ah C/llaahi Yuusuf meel gadaal ah ayuu ka fadhiistay, marka waxaan sugaynaa C/llaahi”ayuu yiri Muuse Suudi. source Ufurow

 

Gaadiidka Itoobiya iyo Qalalaasaha siyaasadeed





Hargeysa(Jam)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa sheegay in qalalaasaha siyaasadeed ee toddobaadkan ka aloosmay dalka Itoobiya aanu wax saamayn iyo hakad ah toona ku keeni doonin hawlgalka heshiiska Berbera Corridor ee Isticmaalka Marinka Dekedda Berbera ee badeecadaha wadanka Itoobiya ee la filayo in toddobaadkan dambe uu Berbera soo gaadho Markabkii ugu horeeyay ee u rarnaa Itoobiya.
Md. Cawil, oo Jamhuuriya, shalay wax ka weydiisay saamaynta rabshadaha siyaasadeed ee toddobaadkan ka aloosmay magaalada Addis Ababa, Caasimadda Itoobiya ay ku yeelan karaan hawlgalka bilaabmaya ee daabulka Badeecadaha u kala gooshaya Berbera iyo Addis Ababa, waxa uu sheegay in rabshadahaasi yihiin arrimo maxali ah wax saamayn ahna aanay ku yeelan doonin hawsha bilaabmi doonta toddobaadkan iyo guud ahaan heshiiskii Mashruuca Corridor.
Md. Cawil, waxa uu sheegay sida la filayo in bishan November uu Dekedda Berbera ku soo beeganyahay Markabkii ugu horeeyay oo u rarnaa dalka Itoobiya oo sida qalab kala duwan iyo badeecado badan oo loo daabulayo Addis Ababa.
Md. Cawil, waxa uu tibaaxay in dhammaanba la diyaariyay hawlihii kala duwanaa ee Adeegyada hawlgalkan cusub ee bilaabmaya oo ay labada dhinacba si wada jir ah ay uga wada shaqaynayeen isku xidhka hawlaha kala duwan ee la xidhiidha dejinta, rarista, iyo daabulka Badeecadaha u gudbaya Itoobiya.
“Hay’adihii Adeegyadu waa diyaar, Gaadiidka Xamuulka ee wax daabulaya qorshahooduna waa diyaarsanyahay, ilaa wadadii isku xidhaysay Berbera ilaa Addis Ababa oo uu mari lahaa gaadiidka xamuulka sidaa waa la hagaajiyay” ayuu yidhi Md. Cawil.
Wasiirku waxa uu sheegay in qorshaha gaadiidka Xamuulka daabulayaa saamay qaybsigisa ay ka heshiiyeen labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya, “Waxaanu ku heshiinay si isleeg oo ah 50 iyo 50 in loo kala qaato gaadiidka Xamuulka daabulaya. 50%-na ay noqdene gaadiidka Somaliland 50%-na ay noqdeen gaadiidka laga leeyahay Itoobiya” ayuu yidhi Md. Cawil oo sheegay in hawlgalka daabulka Badeecadaha Itoobiya dakhli badani ka soo geli doono dadka Somaliland ee leh gaadiidka waaweyn ee Xamuulka qaada oo wakhtigan ay haysato shaqo la’aan culus, “Gaadiid badan ayaa wakhtigan hoganaya geerashyada oo dadkii lahaa ay iska xareeyeen markii ay waayeen wax kiro ah oo ay ku raraan. Sababtoo ah gaadidka weyn oo aan haanay xamuul joogto ah oo ku filan” ayuu yidhi Md. Cawil.
Gaadiidka Xamuulka qaada ee laga leeyahay Somaliland oo halka ugu badan ee ay kiro uga heli jireen ahayd Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya oo ay iskaga gooshi jireen badeecadaha ganacsi ee Somaliland iyo deegaanada Soomaalida Itoobiya hase yeeshe waxa gaadiidkaasi ku shaqo belay markii gaadiid faro badan oo laga leeyahay Somaliland ay jabhadda ONLF ku gubtay dhulka gudaha Kililka Shanaad oo gawaadhidaasi rar u sideen.
“Markii aanu arrintaas gaadiidka Xamuulka daabuli doona aanu ka wada hadalnay qolyaha Itoobiya ayaa waxay igula kaftameen gaadiidkii badnaa ee la idinka gubay magdhawgoodii waxaad ka iibsan doontaan faa’iidada aaad ka heli doontaan kirada rarka badeecadaha hadda loo daabuli doono Itoobiya” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu, isaga oo dhoola cadaynaya, waxaanu sheegay in qorshaha gaadiidka Xamuulka uu heshiiska kula galay Itoobiya in gaadiidka xamuulka laga leeyahay dalka Itoobiya ee ka qayb galaya daabulka Badeecadaha dekedda Berbera laga rarayo uu qaadkoodu ahaado ugu badnaan 24 Ton amaba gaadhi qaada kara Koontaynar Labaatan Fiit ah, “sababtoo ah waxaanu sidaas u yeelnay si ay fursad u helaan gaadiidkeena oo mugoodu koobanyahay waayo haddii gaadiidka waaweyn ee Itoobiya ee Tareenlayaasha oo muga qaadistoodu aad uga weynyahay kuweena haddii la inagu soo daayo way shaqo tirayaan gaadiidkeena” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu.
Toddobadkii hore ewaxa booqasho hawleed ku yimid Somaliland koox khabiiro ah oo ka kooban 12 Sarkaal oo ka socday Xafiisyada Hay’adaha kala duwan ee Itoobiya kuwaas oo sahaminayay arrimo ay ka mid yihiin diyaar garawga Adeegyada Dekedda Berbera ee hawlgalka badeecadaha Itoobiya, Wadada ay mari doonaan gaadiidka Xamuulka sidaa ee isku xidha Berbera iyo Addis Ababa oo dhererkeedu dhanyahay 964 KM iyo Magaalooyinka ku yaala Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee ay ka gudbi doonaan gaadiidka u kala gooashaya labad adalka.
Markii ugu horaysay waxa magaalda Togwajalae ee xuduuda laga furay toddobadkan Gangi ganacsi oo Itoobiya leedahay, kaas oo laoogu tallo galay fulinta Adeegyada hawlaha ganacsi ee Mashruuca Berbera Corridor ee toddobaadkan bilaabmaya.
Bangigan oo ah Bangi madaxbanaan magaciisana la yidhaahdo Wegagen, waxa uu xarun ka furtay magaalada Togwajaale ee xuduuda ku taala dhinaca wadanka Itoobiya.
Furitaanka Banigagani waxa uu muujinayaa in hawlgalka heshiiska Mashruuca corridor ee Somalialnd iyo Itoobiya uu yahay mid si buuxda loogu diyaar garoobay oo si dhakhso ah la filayo inuu u bilaabmo
Jamhuuriya Online

 

Somali PM survives Mogadishu blast








Reuters

Sunday 06 November 2005, Gedi was on his second visit to the war-ravaged city.
A bomb explosion in Mogadishu targetting a convoy of cars carrying Somalia's prime minister has left six people dead, medical sources said.
Prime Minister Mohammad Ali Gedi was unhurt, but the blast on Sunday sharply raised tensions in a city controlled largely by his political foes.
Government aides said a landmine caused the explosion.
Unidentified assailants threw a hand grenade under Gedi's car as it passed seconds before the landmine blast in an apparently coordinated attack, a government source said.
The blast set at least one vehicle ablaze in the convoy that was ferrying Gedi and one of his deputies from an airstrip to the lawless Indian Ocean city.
"Five seconds after the blast, there was an exchange of fire, I don't know who between," a wounded man who had been riding in the convoy told Reuters from his hospital bed.
"The tyres on our car were shredded by bullets."
Landmine suspected
"It struck the car directly behind the prime minister's car, and that vehicle burst into flames," Ali Nur Sahal, an aide to Deputy Prime Minister Hussein Aideed, told Reuters.
"We believe it was a landmine."
"This was an apparent attempt at disrupting the effort at consolidating the outcome of the reconciliation conference"
Mohammed Ali Faum,
African Union envoy to Somalia
Aideed, who is also Interior Minister, had welcomed Gedi at the airstrip and was also travelling in the convoy. He too was unhurt.
Gedi, based in the town of Jowhar 90km north of Mogadishu, was visiting the Indian Ocean city for only the second time since he was appointed as part of a Transitional Federal Government (TFG) formed at peace talks in Kenya in 2004.
"This was an apparent attempt at disrupting the effort at consolidating the outcome of the reconciliation conference," Mohammed Ali Faum, the African Union envoy to Somalia, said of the peace talks where Gedi's government was formed.
Military showdown
The TFG is the 14th attempt to reinstate central government since the 1991 toppling of former dictator Mohamed Siad Barre. But the administration has found it difficult to impose any authority on the tribal leaders who still control much of the country.
Most of the government's ministers work from Jowhar, arguing that the capital is too dangerous. But a dissident faction is based in Mogadishu, as is Aideed, who has tried to steer a neutral course between the two groupings.
Experts say both factions of the government are gearing up for a military showdown, and a UN report by a panel of experts said government ministers on both sides had bought large amounts of weapons in recent months in breach of a UN arms embargo.
On Gedi's first visit to Mogadishu in May, 14 people were killed and about 60 wounded in an explosion at a stadium where he was addressing a crowd. Again, he was unhurt. The cause of that blast has not been established.

 

Killilka Soomaalida oo u digay Odayaal Dagaal abaabulaya

Maamulka Killilka Soomaalida ee Ethiopia ayaa digniin culus u jeediyay Maleeshiyooyin ka soo jeeda Beesha Ogaadeen oo doonaya in ay Dagaal ku qaadaan Iimayda bari oo ay haatan ku suganyihiin Ciidamo taabacsan Maamulka Gobolka Fiqi ee ay dagaan Beelaha Sheekhaal.Dagaalkan ayaa la sheegay in ay abaabulayaan Odayaal ka tirsan Beesha Eeda dusha laga saaray oo iyagu ku sugan Magaalada Jigjiga sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Maamulka Soomaalida oo saacad kla hor u waramayay Saxaafadda dalkaasi Ethiopia.
Dagaaladan laga cabsi qabo in ay markale ka dhacaan Gobolka Soomaalida ayaa waxaa ay ka danbeeyeen kadib markii Madaxwaynaha Killilka Soomaalida uu qoraal u diray Ra'isul wasaare Melez Zanawi oo uu kaga codsaday in Dawladda Ethiopia ay si dag dag ah usoo kala dhexgasho Beelaha dagaalamaya.
Dhanka kale Odayaal ka tirsan labada dhinac oo sama doonayaal ah ayaa iyaguna ugu baaqay in Maamulka Ethiopia ay ay si dag dag ah uga hortagaan Maleeshiyooyinka dagaalamaya ee labada dhinac.
Mohamed Cali, Onkod News, Jig jiga

 

Shariifka Iyo Wafdigisa oo Maanta ku soo Jeeda Muqdisho

Posted on Monday, November 07 @ 14:14:53 PST by onkod editor






Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Axmed Ducaale Geele Xeef Iyo Xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato ayaa waxa ay Maanta ku soo Jeedaan Magaalada Muqdisho sida ay noo Xaqiijiyeen Mid ka mid ah Wafdiga soo Raacaya Gudoomiyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu Maanta ku soo Jeedaa Magaalaad Muqdisho sida uu noo Xaqiijiyay Mid ka mid ah Wafdiga Gudoomiyaha
Wafdiga Gudoomiyaha ayaa waxaa La socda Cismaan xasan cali Caato , Xildhibaan Axmed Ducaale Geele “Xaaf”, Cabdale Xaaji Cali ,Yuusuf Dheeg, Cabdi raxmaan Ibi Iyo qaar ka mid ah xildhibaanad Dowlaad KMG
Waxaa Maanta La Filayaa in ay Wafdiga Gudoomiyaha ay soo Dhaweeyaan shacabka soomaliyeed ee ku Nool Magaalada Muqdisho iyo Ciidamo aad u Tira badan oo ku Hubaysan baabuurta dagaalaka
shariifka ayaa waxa uu soo Gaarayaa Magaalada Muqdisho Saacado ka dib sida ay Noo xaqiijiyen qaar ka mid ah dadka waxa ka soo Dhawaynaya
hadaba kala socada Soo Dhawaynta wafdiga Iyo sawiraad shabakada Onkod news oo Halakas ay Goob Joog uuga haan doonaan wariyaasha Khaaska Ee Onkod News
Axmed sadiiq

Muqdisho

 

MAAMULKA JIGJIGA OO LA SAFTAY DHINAC KELIYA

Posted on Monday, November 07 @ 11:35:05 PST by Onkod editor

Waxay wararku siday nagu soo gaadhayaan beryahan dambe ay sheegayaan, in kadib markii dhidibada loo taagay dowladii gobolka ismaamulka somalida, in ay si isdabajoog ah ay xildhibaano lagu sheegay tiradooda 60 oo ka yimid beel keliya kana tirsan baarlamaanka Jigjiga, ay aad ugu howlan yihiin uruurinta dhallinyarada suuq jooga ah gudaha magaalooyinka Godey, Jigjiga,Qabridahare,Imey iyo meelo kale,sidoo kalena waxay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in iyana si xad dhaaf ah loo uruurinayo lacago iyo saanad ba si loo xoojiyo Jiida hore ee dagaalka ee u dhexeeya Ogadenka iyo Sheekhaashta. Shir bishii hore ee Oct,2005 habeenimadii 28 kii ka dhacay guriga Mahdi Ayuub ee ku yaala Jigjiga, oo ay ka soo qayb galeen 6 lix xildhibaan ee ka kala yimid Imey, Xamaro, Dhuxun, iyo Fiiq lagaga dooday sidii loo maarayn lahaa dagaal kama dambays ah iyadoo la adeegsanayo dowladnimada gacan weyn na ka heli doonaan dowlada ciidamadeeda booliska iyo ONLF ta
Waxaa kaloo la isla soo qaaday sida ay wararku sheegayaan sidii shir weyn oo ay ka soo qayb geli doonaan dhamaan beelaha ay saamayso arintani lagu qabto magaalada Godey 12ka ilaa 14ka N, si loo jaan gooyo wakhtiga ku haboon dagaal noocaas oo kale ah
War iyana aanu ka helay ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Tuulada Garbo iyo Malayko lagu kala dilay todoba ruux oo la yidhi waxay u dhasheen beeshaa Sheekhaashta si joogto ahna loo dhacaa xoolahooda
Waxaana nin ku dhowaan ku hadlayey magaca Maamulka Raaso uu ka sheegay magaalada Addis Abeba in dhilka noocaasi ahi uu waayahan ba socday wuxuuna ugu baaqayaa dhamaan inta nabada jecel ee somalida Ethiopia ay la socdaan cawaaqib xunmada ay aayaha keeni karto sii wadida dilka iyo boobka iyo dhaca lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxaanuna ugu baaqaynaa kuwa geleya dambiyadaa in wax walba ka door bidaan nabad waarta ee lagu wada noolaado
Wacays warfa
Jig Jiga
Ayusufgeo_15@hotmail.com

This page is powered by Blogger. Isn't yours?

  • Awdal News
  • Cowslafil
  • Djibnet
  • Geeska Afrika
  • Jamhuuriya
  • Jammaame
  • Haatuf News
  • HargeysaOrg
  • Hiiraan
  • Onkod
  • Saylac
  • Shabelle
  • Somaliland Future
  • Somalia Today
  • Somalilandnet
  • Somaliweyn
  • Suxufi
  • Warsid
  • Michael Moore
  • Blogs
  • Africa Unchained
  • Friends of Ethiopia
  • archives
  • 26/10/2005
  • 28/10/2005
  • 30/10/2005
  • 01/11/2005
  • 06/11/2005
  • 07/11/2005
  • 08/11/2005
  • 09/11/2005
  • 13/11/2005
  • 14/11/2005
  • 15/11/2005
  • 23/11/2005
  • 25/11/2005
  • 06/12/2005
  • 31/12/2005
  • 19/03/2006
  • 24/03/2006
  • 01/04/2006
  • 14/08/2006
  • 26/01/2007
  • Nairobi
    HargeisaHargeisa
    BoramaBorama
    MogadishuMogadishu
    AddisAbabaAddis Ababa
    BerberaBerbera
    SheikSheik Mountains
    Somaliland
    Somaliland