Google

Sunday, November 06, 2005

 

Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah, Baarlamaaan bilaa aqoon ah,


Saida Sheikh Ahmed (VIP)Brussels Belgium


Maqaalkaan ma aha mid iiga bahan faahfaahin dheer oo cinwaankiisa ayaan oran karayaa wuu koobay ujeedada iyo dulucda guud ahaan, balse waxaan jeclaan lahaa inaan wax yar oo faahfaahin ah ugu noqdo sharaxaada guud oo aanan ku fogaan doonin isla markaana ma rabo inaan ka dhigo mid aad u dheer oo aqriskiisa laga daalo.
Hadaan hal hal u kala qaado cinwaanka qoraalkaan waxaan ku hormarayaa maxaan ula jeedaa;
Madaxweyne Balaayo sheeg ah ?
si fudud u arag ha is oran waa mucaarad kasoo horjeeda madaxawaynaha Soomaaliya ma ahi mucaarad qalinkaygana ma aha mid aan u qaato fikirka an qabo ama cidan taageero iyo cidaan ka horjedo intaba ee waa mid aan u wato qalad sixid iyo iftiimin waxyaabaha mugdiga ku jira,waxaan ahay taageere qaran qof jecel wada jirka iyo umad ku noolaata nabad iyo barwaaqo, miyaysan adiga aqristaha ah xataa kuula muuqan in uu madaxwaynaha Soomaaliya yahay mid markuu hadlaba ay dhagaha aadmiga iyo farahooda is raadsadaan oo warkiisa yahay mid abuura balaayo, colaad iyo dagalao hor leh, ?
Madaxwaynaha Soomaaliya waa madaxwayne laga habaaray hadalka macaan oo aan uba baran sida loogu hadlo oraahda macaan ee soo jiidan kartaa cadoowgaaga, waa madaxwayne u arka is dabcinta iyo jiljileeca mid nacasnimo ah, waa madaxawayne u yaqaan raganimada in qof si xun hadal loogu weeraro iyadoo uu hadalkii u danbeeyey si aan munaasab ahayn ugu af lagaadeeyey ra'iisul Baarlamaanka, waxaana dadkoo dhan ay hadalkiisa ka dhex fahmaan inuu yahay mid balaayo sheeg ah ama huriya balaayo.
Markaan wax yar ka taabto Prime Ministerka Soomaaliya waa nin dadaal badan iskuna muujinaaya inuu diyaar u yahay inuu xal u helo kala qaybsanaanta dowlada dhawaan lagu dhisay Kenya, waa nin isku muujinaaya inuu hore usii wado nidaamkii Somaaliya ee ahaa geed hoostiis wax ha lagu xaliyo, waana tan aad ka arkayso mar kasta isagoo sawirada laga soo qaado dhamaan la fadhiya mas'uuliyiinta meel aan dhismo qurxanayn oo ah meelo carshaan ah, haba la yiraahdo waa wax ay dani baday oo Jowhar ma aha meel ay dowlad ka dhigan karto xafiisyo oo sideedaba ah meel ay ka samaysan yihiin guryo duug ah iyo magaalo aad u yar oo aan marnaba noqon karin mid dabooli karta baahida dowlad dhan.
Hadaan taas si fudud uga gudbo waxaa muuqanaysa in Prime Ministerka uu yahay mid aan wali isku dayin inuu qanciyo wasiiradiisa ka gadoodsan oo wali ku taagan mindi midni ku taag, taasna ay waliba sii dheer tahay in ay mas'uuliyiin badan oo ka tirsan dowladiisa ay ku tilmaamayaan kagana cabanaayaan inuu yahay mid beenta ku qubaysta oo ah waxa la yiraahdo Alfa Bi Waaxid yacni ay kunkiisa hadalba hal uu ka run yahay inta kalana ay yihiin been, laga yaabe inu Prime Ministerka u arko in ay maanta tahay beentu xalka ugu dhaw, balse markii lagu cabiro caqli fayoow aysan ku wacnayn inuu Prime Minister dal dhan u ah hogaamiye uu beenta ku qubaysto.
Waxaan la sheekaystay hogaamiyeyal badan oo leh Prof. Geedi Been baa loogu baqtiyey oo Kalaan run ah ma sheego, inkastoo aniga aanan lahayn waa run taas balse waxaa Soomaalidu tiraahdaa wadar iyo waaxid yaa waalan ?
Mar hadii aan kaligay iraahdo taasi waa been abuur waxaa igu soo laabanaysa maahmaahdaas oo inta kale oo dhan kuma oran karo waxay ka been abuurayaan Prime Ministerka waxaase qurux badan mar hadii uu Prime Ministerka doonaayo inuu dib u xasiliyo Soomaalidaan wareersan ay gudboon tahay in aan u sheego in been aan wax lagu gaareyn ooay tahay mid la is wada bartay si kale aan u iraahdee filinkaas waa gubtay yacni Timirtii horaba dab loo waa, aqristoow adigaba is waydii sidee u aragta mar hadii uu Prime ministerkaagu yahay mid been sheeg badan.
Baarlamaan bilaa aqoon ah igama ah inaan u gafaayo dadka loo soo dhaariyay in ay maamulaan dal dhan, aanse si fudud wax kuu dareensiiye mar hadii lagu soo xulay qabaa'il oo qabiilku uu soo dooranaayo mudanaha baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ay soo dirayaan mudanaha beelo laga yaabo in ay hogaamiyeyaashooda wax badan oo fikrad ah ka haysan aqoonta iyo wax barashada sidee baa loo oran karaa baarlamaankaasi waa mid ay mudanaayaasha yihiin kuwo aqoon leh, mase ogtahay in ay mudaneyaal badan ay yihiin kuwo aan waxna qorin waxna aqrin anigoo magacaabayn.
Wasiiradase ma kuwo damiir leh baa ?
Adigaan ku waydiiyee mar hadii ay iyagoo ka tirsan dowlada misna ay leeyihiin waxaan nahay mucaarad oo aduunku yaaban yahay ilayn sida dhaqanka siyaasada lagu yaqaan hadaan qeexno waxa ay tahay in qofkii dowlada aan ku qanacsanayn uu noqdo mucaarad ka soo horjeeda, balse waligeed ma dhacday wasiir dowaladiisa leh waxaan ku ahay mucaarad ?
Soow ma aha wax cusub oo aan hore loo arag ?,
Waxaa mar mar ila soo xiriira dad mas'uuliyiin ah oo doonaya in ay wax ka ogaadaan xaalada siyaaasadeed ee Soomaaliya laakiin isla markiiba waxay caloosha ka jaraan siyaasada Soomaaliya markii ay maqlaan wasiiro dowladooda ay ka midka yihiin ku leh waxan ku ahay mucaarad oo isla iyaga duminaaya, sidoo kale waxaaba ugu sii darran wasiiro isla madaxwayne ay iyaga doorteen ayna cidi ku qasbin ku leh madaxwaynaha ma aha mid u qalma booskaas, aan su'aal uga baxo qoraalkaane sidee bay ku suuro gashaa inaad qof aad dooratay adigoo maskaxdaada ay joogto, aad misna tiraahdo ma aha qof aan aqoonsanahay ?
Mise hogaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa la oran karaa kuligood maskaxdooda ma joogto, oo ma aha kuwo caadi ah ?
Mise waa dad isticmaala drugs iyo waxyaabaha maanka dooriya oo markii ay dooranaayeen madaxweyne Yuusuf mid kasta wuxuu ku sugnaa xaalad sawirka Cabdulaahi uga dhigtay qof kale waa yaabee, hadaan sidoo kale wax yar ka iraahdo wasiiradaan mucaaradka ah ee ku sugan iminka magaalada Muqdisho maxay tahay doonistooda ?
Mar hadii aysan Muqdisho xataa ugu yaraan ay muujin waayeen ifafaale nabadeed oo ciidankii ay iyaga hubka u gadeen ama siiyeen aysan awood u lahayn in ay ka qaadaan ama ay isbaaradii xal u waayeen, isla markaana ay un kaga soo hartay Muqdisho waa caasimada Soomaaliya iyadoo aysan cidi lahayn ma aha caasimaad laakiin la leeyahay waxaad tihiin kuwii meesha joogee meesha nabadeeya oo ilaa hada wax la taaban karo aan laga hayn, miyaysan kula ahayn in ay yhiiin kuwo bilaa damiir ah ?
Hadii aysan kula ahayn ii sheeg macno kale ama kalmad kale oo loogu yeeri karo,hadii ay xal u la yihiin bambo aan cidna u aaboyeelayn oo cidey doonto ku qarxaysa oo cirib tirtay umadii Soomaaliyeed isla markaana ay yihiin kuwo la saaxiib ah bambo bilaa naxariis iyo falal dil ah oo loo gaysanaayo dhamaan inta biri ma gaydadda ah iyo intii indheer garadka Soomaaliyeed ahayd ee ay wali dadku la qaraacansan yihiin dilalkii ka dhacay caasimada Dhiiga (Muqdisho) hal bil gudaheed ee leh waxaan ahayn hogaamiye ama wasiir bal iigu sheeg magac kale oo kan dhaama,maxaan ugu yeeri karnaa ?
Shacabka Soomaaliyeed ee ayaanka darran oo iyagu ahaa kuwa ku jirey mudo dheer xaalad amni darro una ahaa la haysteyaasha dhowr qabqale oo haatana u xuub siibtay "wasiiro mucaarad ah" walina diyaar u ah in ay u xadreeyaan cadowgooda koowaad ee aan kala garan dantooda iyo dhibaatadooda miyaan iyagana ugu yeeri karnaa kuwo caqli leh ?
Adigaan kuu daayee, mise ku saxsan yihiin in ay wali ku celceliyaan shacabka waxa loo baahan yahay dib u hishiisiin, iyadoo la ogyahay in dib u hishiin loo fadhiyay laba Sano dhan mise dib u hishiinta maba dhamaato oo waa sida filimada musalsalka ah oo loo baahan yahay in ay mar kasta ka socdaan TV yada caalamka ? Maskaxdayda waxay igu celcelisaa marar badan ayaa ka danbeeya dagaalada iyo colaada aan istaagin sanooyin badan ?,
Waxaan u raadshaa jawaab kaafisa maskaxdayda - Waxaan u warwareega meelo badan oo hadba Waxaan madaxa la dhacaa darbi laakiin aaqirkii Waxaan ka fursan waayaa jawaabta runta ah inaan indhaha ka xiran, taasoo ah waxaa u sabab ah saxaafada oo aan anigaba ka tirsanahay taasoo markastaa buun buunisa inta xun iyagoo u arkaaya in ay ku helayaan magac, sumcad iyo in la iibsado badeecada ay hayaan, taaso ah tan maanta keentay in ay sidii quraan ugu celceliyan kalmada muraalo dilaaca leh ee ah Labada Garab ee dowlada mase is waydiiyeen saaxiibadeey in wax la yiraahdo laba garab oo dowladi ay tahay aysan jirin mise waa casri hadda la bilaabayo ?.
Bulshada caalamka ayaa ka yaaban weerahaas ay saxaafadu isticmaasho iyagoo xataa gaaray in ay soo saaraan warbixin saxaafadeed ay ku sharaxayaan in aan waligeed la maqal laba garab oo hal dowlad ah waxayna sheegeen in ay aqoonsan yihiin hal dowlad, miyaysan kuula muuqan in ay saxaafada Soomaaliyeedna tahay mid aan damaqasho lahayn oo wali sii hurinaaya colaado oo iyagu ah kuwo baaba'saday dal dhan iyo umad dhan waqti badana jiitamaayay oo laga daalay?
Iga raali ahaada haduu qoraalkayga oo dhan kusoo biyo shubtay negative balse waxaan jeclahay inaan ku qatimo su'aal kale oo ah hadii dalka Soomaaliyeed uu yahay mid dhexda ugu jira intaasoo marxaladood ma kula tahay inuu noqon karo mid waligiis xasila mase oran karnaa waa dal leh dad ?
Waxaa qorey Saida Sheikh Ahmed (VIP)Brussels Belgium
Halkan ka aqriso qoraaladii hore ee Suxufiyada magaca dheer Saida VIP, Guji/Riix
Warsid.com

 

Gudoomiyaha Golaha Guud ee Beelaha Dir koonfur oo ka hadlaya arimaha loo dhisay Golaha Guurtada Beesha Dirka Koonfureed.





20 Oktober, 2005

Wareysi ay layeelatay shabakada warsid "Muqdisho" Gudoomiyaha ayuu kaga hadlay war bixin dheer oo kaga hadlayo meela badan iyo arimaha golahan uu qaban doono mustaqbalka midka dhow iyo mid fogba
wuxuuna hadal kiisii ku bilabay sidan hoose.
Warbixin La Xiriirta Dhismaha Golaha Guurtida Dirta Koonfureed Ay Sameesatay 22/09/2005
Mudanayaal iyo marwooyin sida aad la socotaan burburkii ku dhacay nidaamkii dowladnimo ee soomaaliyeed, waxaa abuurmay golayaal guurto dhaqameed oo haga amuuraha kala duwan ee beelaha ku midoobay samaynta guurtida, taasoo u horseedayso sidii loogu gaari lahaa nidaam iyo kala dambayn, waxaana tusaale guul ah ku soo qaadan karnaa (Guurtida Somaliland, Puntland) oo shacabkooda u horseedeen nidaam iyo kala dambayn, horumar dhaqan dhaqaale iyo mid bulshadeed.
Mudanayaal, iyadoo caado ay u tahay umadda soomaaliyeed inay dib u habayn ku samayso nidaamkeeda dhaqan iyo siyaasadeed, kadib goortii mudo soo shaqeeyo lana qiimeeyo wax qabadkiisa si dardar loo geliyo isla markaana ula jaanqaado heerarka kala duwan ee la soo maray iyo marxaladda la galayo. Ayaa odayaasha dhaqanka, culumadda, aqoonyahanka, dhalinyaradda iyo haweenka, beelaha dir koonfureed u socday in muddo ah shirar iyo latashiyo taasoo dib u habeyn lagu sameenayay golihii hore ee guurtida dirta koonfureed.
Mudanayaal, kulankaas waxaa isugu yimid xubno aad u fara badan oo ka kala socday beelaha Mehe iyo Madaxweyne ee dega koonfurta soomaaliyeed, 22/09/2005 waxay isla garteen iskuna raaceen inay sameystaan gole guurto ee masala dhamaan beelaha dirta koonfureed oo ka kooban 57 xubnood iyo gudi fulin 21 xubnood ah laga soo xulo 57 xubnood ee golaha guud ah, isla markaana ka taliya masiirka ama aayahooda dhow iyo mid mustaqbal, dhaqan dhaqaale iyo mid siyaasadeed, xiriir iyo wax wada qabsina iyo is kaashi la yeeshaan beelaha kale ee soomaaliyeed sida (Guurtida Somaliland, Pundland, Digil iyo Mirifle, Isbeheysiga, Hawiye, iyo Daarood).
Mudanayaal, golaha guurtida dirta koonfureed wuxuu kaloo xiriir la sameynayaa dowladda fedraaliga soomaaliya, maamul goboleedyada iyo dagmooyinka, wuxuuna gacan ka geesantoonaa hirgilinta nidaamka iyo kala dambeynta dowladnimo. Sidoo kale wuxuu xiriir la sameyndoonaa Hay'adaha caalamiga ah, kuwa goboleed, iyo kuwa wadaniga ee gacan ka geesanaya horumarinta aayaha umadda soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa nidaam iyo kala dambayn bulshada soomaaliyeed ku gaarto horumar.
Mudanayaal, golaha guurtida dirta koonfureed, wuxuu kale kaalin ka qaadan doonaa kulanada, doodaha, aqoon iswedaarsiyada, iyo seminaarada wax dhisaya is la markaana wuxuu is hordhigayaa fulinta qorshayaashaan uu la wadaagayo umadda soomaaliyeed kuwaa soo kala ah :
1) Abaabulka iyo ka qeyb galka kulanadda dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed.
2) Ku wacyi gilinta dhalinta soomaaliyeed inay dalkooda iyo dadkooda aaminaan aqoontoodane sare u qaadaan.
3) Sidii dableyda hubeysan loo xarayn lahaa isla markaana loo abuuri lahaa xirfdo noloshooda loogu hagaajinayo.
4) Kaalin kaqaadashada howlaha arrimaha bulshada (Waxbarashada, garsoorka, caafimaadka, fanka, dhaqanka iyo suugaanta).
5) Waxaan dhiiri gelinaynaa barnaamijka horumarinta haweenka iyo dhalaanka soomaaliyeed.
6) Waxaan kaalin mug leh ka qaadanaynaa dib u soo celinta iyo dib u dejinta qoxootiyada soomaaliyeed ee dibadaha ku maqan.
FG:
Waxaan halkaan ku lifaaqan liiska magacada gudiga fulinta Dirta koonfureed iyo liiska golaha guud ayadoo uu inoo sheegay Gudoomiyha Golaha inay wali ay jiraan Beela aan soobuuxin qeyb kooda ay wali socoto qaab dhismeedkii Golaha
Liiska Golaha Guud Ee Guurtida Dirta Koonfureed: -
No.
Name
Beesha Bimaal
1.
Prof. C/raxmaan Macallin Caddow
2.
Maxa'ed Mursal Cabdi
3.
Maxa'ed Shiikh Sabtow
4.
Yaaquub Cabdi Yaaquub
5.
Aadan Macallin Cali
6.
Xaaji Cabdiraxmaan Nuur Ciise
7.
Haybe Sh. Maxa'ed
8.
Axmed Maxa'ed Barre
9.
Macallin Xuseen Maxa'ud Gacal
10.
Abuukar Maxamed Cabdalla
11.
Cabdalla Cali Maxa'ed
12.
C/raxmaan Xuseen Maxamed
13.
Muqtaar Maxa'ed Cismaan
14.
Axmed Macallin Xuseen
15.
Jaylaani Ibraahim Isgow
16.
Maxa'ed Xasan Axmed
17.
Aweys Nuur Axmed
18.
Abuukar Nuur C/llahi
19.
Maxa'ed Maxa'ed Samow
20.
Xasan Cismaan Maxa'ed
21.
Abaadir Miiroow
22.

Beesha Surre Qubeys
23.
Xuseen Geeddi Jimcaale
24.
Yuusuf Dhoorre Kheyre
25.
Maxa'ed Maxa'ud Cali
26.
C/raxmaan Maxa'ed Wehliye
27.
Daahir Cismaan Aadan
28.
C/raxmaan Xaaji Maxa'ed
29.
C/raxmaan Cali Axmed
30.
C/laahi Dhaqane Axmed
Beesha Surre Cabdalle
31.

32.

33.

34.

35.

36.

Beesha Baajimaal Mehe
37.

Beesha Mandaluug Mehe
38.
Cabdi-yare Jaamac Cumar
39.
Raage Xaashi Khaliif
40.
Nuur Xuseen Cabdulle
41.
Yuusuf Sulub Dhoorre
42.

Beesha Madaxweyne
43.
Xuseen Geeddi Rooble
44.
Dhaqane Muqtaar Jiiroow
45.
Suge Geeddi Aadan
46.
Cabdi Saalax Nuur
47.
Sh. C/laahi Xuseen Xasan
48.
Bashiir Isaaq Cabdulle
49.
Guhaad Xasan Shiikh
50.
Axmed Diiriye Ismaaciil
51.

52.
Ibraahim Maxa'ed Nooloow
53.
Maxa'ed Xasan Koofuroow
54.
Cali Xasan Cabdulle
55.
Saciid Maxa'ed Luqmaan
56.
Nuur Cali Cismaan
57.
Baashi Leesoow Macallin Cabdi

Warsid.com

This page is powered by Blogger. Isn't yours?

  • Awdal News
  • Cowslafil
  • Djibnet
  • Geeska Afrika
  • Jamhuuriya
  • Jammaame
  • Haatuf News
  • HargeysaOrg
  • Hiiraan
  • Onkod
  • Saylac
  • Shabelle
  • Somaliland Future
  • Somalia Today
  • Somalilandnet
  • Somaliweyn
  • Suxufi
  • Warsid
  • Michael Moore
  • Blogs
  • Africa Unchained
  • Friends of Ethiopia
  • archives
  • 26/10/2005
  • 28/10/2005
  • 30/10/2005
  • 01/11/2005
  • 06/11/2005
  • 07/11/2005
  • 08/11/2005
  • 09/11/2005
  • 13/11/2005
  • 14/11/2005
  • 15/11/2005
  • 23/11/2005
  • 25/11/2005
  • 06/12/2005
  • 31/12/2005
  • 19/03/2006
  • 24/03/2006
  • 01/04/2006
  • 14/08/2006
  • 26/01/2007
  • Nairobi
    HargeisaHargeisa
    BoramaBorama
    MogadishuMogadishu
    AddisAbabaAddis Ababa
    BerberaBerbera
    SheikSheik Mountains
    Somaliland
    Somaliland