Google

Friday, January 26, 2007

 

BIIMAL RESISTANCE MOVEMENT ( BIREM - U.K.)





BIIMAL RESISTANCE MOVEMENT ( BIREM - U.K.)

HURDAAYE SOO JEEDAA KICIYA, LININ IYO HITLARBA DADBAA WELI U RIIMAAYA.


23/01/2007

Taariikhdu waa wax la soo marey iyo wax markaa la taaganyahay oo berrito noqondoono wax laga sheekeeyo amase la akhristo, hase yeeshee kuwa taariikhda sameeya, waa kuwa awoodda u leh inay ka muuqdaan mowjadaha dhacaaya, ha yeraadaan amase ha weynaadaan mowjadahaasi, isla markaana waxay u kala baxayaan kuwa taarikkhda qoraaya kuwa farta lagu soo godaayo oo ah aan sameysan wanaag iyo samaato lagu xasuusta , laakiin sameystey xumaato berrito ku noqoneys dhibac madow , oo ubadkiisa iyo waxii ay dhalaanba farta si xun loogu soo godaayo.
qeybta kale ayaa ah kuwa taariikhda ku qora biyo dahab iyo baal dahab, inkastoo kuwa xun ay ku tilmaamaan isla waqtigaa taariikhdaa la qoraayo inay yihiin kuwa xun, hase yeeshee taarikkhda baalkeeda dahabiga ah ayaa taasi beeninaayo, oo uma baahna inay iska daafacaan kuwa sida xun dadka wax u tusaayo,inkastoo aysan awood u yeelankarin kuwaasi xunxuni, inay wax ka taraan kuwa kan ee baalka dahabka ah taarikkhda ku qoraayo.
Waxaan hadalkeygaan oola gonleeyahay dhallinyerada u dhalatey gobolladii gumeysigii Ceyr ku jirey amase kuwii baadka laga qaadijirey, oo isla markaana qaar ayaga ka tirsan ay gacan ku siinjireen, in dadkooda la gumeysto, oo ilaa iyo maantana weli ku nool riyada ah inay Ceyr iyo wax la hal maaalo inay dib usoo noqondoonaan, oo ay maamulka gobolladii hore gacanta ku dhigidoonaan.
seddax arrimood ayaan doonayaa inaan u caddeeyo beelaha deggan gobolladii la gumeysanjirey, gaar ahaan beelaha deggan shabeellooyinka iyo jubbooyinka, kuwaasi oo kala ah:-
1- In la idin gumeysanjirey,dhibaatada dalka ka dhacdey inteeda badan inay adinka idin saarneyd, oo la idinkula dhaqmey wax aan ka suurta gelin gumeysi shisheeye, inaan isla markaana dhac iyo boob iyo kufsi iyo canshuur ilaa iyo masaajidada la idinka qaadey canshuur, ay u dheertahay cirib goos oo si yeryer ah , in la idinkula dhaqmijirey, waa mid aadan illoobi karin amase aadan is illowsiinkarin.
2- Arrinta Xigta waxay tahay inaad woda ogtihiin inay jirto mahmaah Soomaaliyeed oo leh"Misaarey imaadan goyseen hadduusan gumudkeyga kugu jirin", taasi oo ah inay idin soo adeegsanjireen kuwa gumeysiga iyo dulmiga idin ku haayey, qaar yer oo dhuuni raac ah, iyo kuwa calooshood u shaqeystayaal ah, oo adinka idinka tirsan, oo isla markaana difaaci jirey, kuwa gumeystayaalka ahaa, kuwaasi maanta waxay weli ku noolyihiin inay soo noqondoonaan kuwii ayaga meesha ku haayey ee ay ka daba noolaayeen, taasina la yaab ma laha waayo ilaa iyo maanta weli qaar ayaa rumeysan Hitlar iyo Linin inay soo noqondoonaan amase habkoodii uusoo noqondoono, in kastoo ay kasoo wareegtey in ka badan nus qarni, kuwaasi ay la too yihiin, waa inaad taasina ogaataan.
3- tan seddaxaad ee aan doonaayo inaad ogaataan ayaa waxay tahay dalka Soomaaliya dunida oo idil ayaa u duuban maanta siyaasad ahaa, sidii kor loogu soo qaadi lahaa nabad gelyadeeda , waayo waa la woda ogyahay umadda Soomaaliyeed inay u baahan tyahay nidaam iyo kala dambeen, iyo isla markaana waxaa laga baqayaa inay noqoto mid ay dunida seddaxaad ku deyato ,oo ay niodaam darrida dunida kusoo fidiso, saa darteed ayaa loo garab taagan yahay.
Taasi waxay ka dhigan tahay laba siyaabood , ayada oo ay dadka Soomaalidu u baahdeen kala dambeen iyo nidaam , iyo ayada oo laga baqaayo inay nidaam la'aan dunida ka barato oo ay nidamma la'aantaaba la moodo fiicnaan , taasi oo ka soo horjeeddo jiritaan baniidaanka oo idil, oo u horseedi karto burbur iyo baaba' taariikhda jiritaan aadanka oo idil.
Haddaba waxaan jeclahay inaan si gaar ah farta oogu fiiqo waxa loo baahanyahay, amase laga doonaayo dadka u dhashey gobollada dhibaatada ku woda habsatey, gaar ahaan , dadka dega shabeellooyinka iyo jubbooyinka iyo bay iyo bakool, mwaa inay ogaadaan dowladdaan maanta calanka gacanta ku haayso inay Soomaaliya u dhalatey guud ahaan, ayaga ay oogu dhalatey gaar ahaan.
Waxaa waajib ah , dowladda federaalka ah inay si buuxda u garab istaagaan oo ay iska ilaaliyaan kuwa la taagan tashwiishta iyo waxaan jirin, kuwaasi oo salka dambe ku haaya gumeystayaalkii, iyo daneystayaalkii calooshood u shaqeystayaalka ahaa, isla markaana waa inay ka midoowaan oo ay iska kaashadaan ka hortegga kuwa doonaayo inay qalalaasa ka dhex abuuraan, kuwaasi oo ku woda andacoonaaya, inaysan dowlad usoo socon, iyo in maamulka ayaga gacanta loo gelindoono, amase leh, ragga aad wax ka sugeysaan waa rag aan waxba idin soo wodin, iyo hablo ayaa meesha been idinku geeyey, iyo dadbaa idin soo weeraraayo oo waa la idin tirtirayaa iyo hadallo aan maanta loo joogin.
Hadda iyo dan waxaan hadalkeyga kusoo koobayaa waa inaad noqotaan , gaar ahaan dadweynahay u dhashey gobollda aan kor kusoo xusey ul iyo diirkeeda, dowladdaanna adinka ayay idin dhalatey, hawl dowladeedna waxaa lagu yaqaannaa qunyer socod, saa darteed adinka oo aan dhararin hawlahiinna qabsada, iskana ilaaliye kuwa fidno ku noolka ah ee hadal iyo been idinku afuufaayo, oo isla markaana iska dhigaayo inay adinka idin daneynaayaan, waayo waa isla kuwii dorraad usha u sidey gumeystayaalkii, oo doonaayo inay maanta idinsoo qaataan shaar cusub oo ay idinku qaldaan, talo adinka ayaa ku nool , isku duubnaantana waa waxa meel lagu gaaro..guulna waxaa lagu gaaraa dadaal iyo dulqaad, danta umadda gobolladaan kor kusoo qorey waa inay ka horreyso, tan shakhsiga..dadaala..Kana digtoonaada kuwa beenta iyo bootada iyo fidnada ku dhexbeera umadda.
Guulse maanta ayay gactiinna soo gashey ee ha iska luminina, munaafaq iyo calooshii u shaqeyste, yuusan idin dhaafinin.. horumar sidii aad deegaannadiinna ku gaarsiinlahaydeen ka shaqeeya, waayo dhamaatey goortii dad aan deegaanka u dhalan ay ka talin lahaayeen meel aan deegaankooda ahayn.
Warkeyga waxaan kusoo gunaanudayaa, dowladda federaalka ah adinka ayay idin dhalatey, ee kuwa war xun tashiilka ah iska qabta, oo geed dheer iska xidha, inbadan waadsoo hurudeene, maanta kaca, oo wax qabsada, waqtigiinna ayaa la joogaaye.

Af-hayeenka BIREM U.K.
Maxamed Cismaan Yaraas

Xafiiska Jammaamejammaame@gmail.com

Monday, August 14, 2006

 

Comments

7 Comments Close this window

Collapse comments

Awadwar@yahoo said...
AkishoFrom Wikipedia, the free encyclopediaJump to: navigation, searchAkisho (var. Akisha, Akishe; also known as Gurre) is a Somali subclan, part of the larger Dir group whose members live in Ethiopia and northern Somalia. The Akisho are a subclan of the Ali Madaxweyn Dir, and they are reputed to be descendants of the eldest sons of the Madaxweyn Dir.Akisho is one of the oldest clans in the Horn of Africa. According to Somali history, two of the oldest monarchies in the region, the Ifat and Adal Sultanates, were Akisho.[citation needed] The great horn African hero Ahmad ibn Ibrihim al-Ghazi ("Ahmed Gurey") was Akisho.[citation needed]The Akisho inhabit both Somaliland and Ethiopia. In Somaliland, Akisho members live in the southern Waqoyi-Galbeed Province, Wajaale, Ala’ibaday, and Gabiley. In Ethiopia, where the Akisho are the most widespread Somali group, Akisho members inhabit Jijiga, Baale (Nagelle), Baabule, Fayaanbiiro, Qabri-Bayah, Fiiq, Hara-Maaya, Harar, and Dadar.Akisho members are predominantly adherents of Sunni Islam, though one might find a Christian Akisho in the Shewa area of Ethiopia.TheAkisho name means originally or is derived from "Cayisho" which means in old Somali the "Fat One". Also the other nick name of the Akisho Guure is derived from one who doesn't "hear" because they did not speak Oromo languege when they settled amoung the Bale Arussi in the 1600 century A.D. Similarly, the Gurgure who are very close to the Akisho were refered to Oromo and Somalis as the traders or Gurgure from the old Somali word "gorgortan" which means one who sales and trades.According to the folklore historians of the Southren Suure Dir of the Mudug region, the Akisho and the Gurgure madahweyne Dir produced some of the most famous Somali folk heroes like the famous Somali queen Araweelo who was Warre Miyo and the Somali national hero, Ahmed Ibraahim Gaxsaali better know as Ahmed Gurey who was the ruler of Adal and Ifat.The Akisho (Gurre) clan consists of 12 major subclans:Akisho Waro-Miyo Reer-Warfaa Reer-Dalal Reer-Hawade Reer-Foofiye/Rooble Reer-Agal Reer-Buuke Reer-Naaleye Waro-Bito Waro-Dayo Waro-Luujo Waro-Ito Waro-Kiyo Waro-Heebaan Waro-Kurto Obo Igo Asaabo Eejo Abiju Akiju Heebaana Huumo Jaarso Maya Obara This article about an ethnic group in Africa is a stub. You can help Wikipedia by expanding it.Retrieved from "http://en.wikipedia.org/wiki/Akisho"Awadwar@yahoo.com
8:55 AM
Awadwar@yahoo.com said...
Awadwar@yahoo.comDear Brothers I would love to thank you first for the wonderful forum. We need someone to promote and rise our awareness about the illustrious Dir clan.The orgin of the Suure nameLet me add an old story about the orgin of the Suure name. As we all know by now Suure was the youngest son of Mahe Dir and he was the last one born to Mahe Dir shortly before he passed away, may Allah bless his soul.It was said by the Dir of old, Mahe Dir one day looked at his youngest son and named him "Suure" which means in old Somali the "Wise one" or literally one who was very intelligent. Know unfortunately, this word is extinct and obsolete in modern Somali,but Suure meant "Intelligent", Wise as in Somali we use today:"Kibir iyo Suure badanaa", which literally means one is full of pride and intelligency. Also the name "suure" is used in the Somali phrase:"Maskax iyo Suure badne""Suurto Gal maaha" "Waa Suuro gal ama waa aqli gal"Therefore, in the old Somali spoken by the Dir Suure use to mean intelligent one or one who is wise. Now, this is why the Dir elders of Mudug used to say, "Suure" meant the wise one and it is the nick name given to the last born of Mahe Dir.
9:22 AM
Aar Qaldho said...
Mansha Allah!Maansha Allah! Bravo! Bravo!This is very interesting and your wonderful analysis is mind boggling. Honestly, I have never asked or even pondered about what the heck "Suure" meant. Isn't it a bitch, the Suure whether Qubeys or Abdaalle are obsessed with the name Dir, but yet no one ever pondered or told us what Suure meant.I think the sad thing about the Suure of Mudug region is they forgot their own name, Suure. Why is it that no one uses the Suure name? Why are we so obsessed with Dir, Dir, Dir and more Dir.Don't misunderstand me, I quite frankly love my "Dirness",but why is it we dont even know out own Suure name and its history?I think it is a damn shame and disgusting the Suure do not use their wonderful name. Everybody in Somali will tell you they know Qubeys, fiqi muhumad, fiqi walaal, agoon, fiqi yahye, nacadoor, dabac,ahmed farah, Etc. But the name Suure is rarely heard.I can tell you what Dir means and we all heard that ten thousand times. That freakin Dir means:1)the ancestor "fir" ama "ab" ama Farac.2) we heard Dir means "Dhiiri" boldness, Dirir "Worrior".3)Dir means "genetically related to" like when somalis said, "neefkan Dirkiisu wuxuu ka soo jeedaa"4)Dir also means "people", "race" or as in old poetry Dir meant People or man.But I have never heard anybody explain Suure and its meaning and I love your wonderful insight.It is extremely neat, fantastic and brillent periodly.You are wise my brother and you, yourself must be some type of a Suure"wise one", Genius, intelligent, and insightful.================================Kibir iyo Suure badanaa", which literally means one is full of pride and intelligency. Also the name "suure" is used in the Somali phrase:"Maskax iyo Suure badne""Suurto Gal maaha" "Waa Suuro gal ama waa aqli gal"Therefore, in the old Somali spoken by the Dir Suure use to mean intelligent one or one who is wise. Now, this is why the Dir elders of Mudug used to say, "Suure" meant the wise one and it is the nick name given to the last born of Mahe Dir.================================
9:47 AM
Anonymous said...
There are some corrections required for this list:1) The Cabdalle Guutale are 4 and their uncle called reer Habar Deel.2)The Rendille of Kenya are a old Dir group who left Somalia long time ago an is settled in Kenya Marsabit. They are currently very mixed with other groups and they are divided into :9 clans sagaalka Lama suule some of them have Ciise sounding names like UUrweyne and Hoolgati
8:45 AM
Dir Era said...
sxb waad mahadsantahay sixitaanka aad na saxday, waxaan kaa codsanaynaa inaad sifiican oo dhamaystirto u soo qorto noona soodirto.
2:13 AM
hashim Ahmed Baari said...
waxaan rabaa inaan wax ka saxo saleebaan cabdale sida aad wax uga qorteensalbeen cabdale waxa uu u kala baxaareer muuse faaraxsamatar muuse= agoon iyo dabaccumar muuse = reer dari iyo reer laf joogsatosiyaad muusecabaas muuse iyo xabad muusereer siyaad iyo labadaan kale ma aqaan sida ay u kala baxaan. laakin waxaan qalad ku arkay inaad saleeebaan cabdale ka wada dhigtay reer agoon oo aad sii kala bix bixsay laakin jufooyinka waa weeyn waa muusayaaashaa aan ku soo tirshay
2:25 PM
Anonymous said...
Ahmed deeq Hassan Roble as/cal/wr/wb waxaan raaba inaan wax ka saxo sida aad sure wax uga qorteen, sure ma ahan kaliya Qubays iyo Cabdale waxaad ka tagteen maxamed guutaale(Habar deel)ah uuna la dhashay cabdale guutaale marka waxaa la isku yiraahdaa afarta cabdale iyo adeerkood.Habar Deel, wuxuu u kala baxaa Samatar Naleeye iyo Maxamud Naleeye.waan ku
4:07 AM

Saturday, April 01, 2006

 

Wararkii ugu danbeeyay. 01/04/2006

01/04/2006

1. C\LAAHI YUUSUF "Caalamaka waxuu diyaar uyahay inuu si fiican inoo caawiyo ;
Baydhabo
Madaxwaynaha dowladda KMG Soomaaliya C\laahi Yuusuf oo shalay dib ugu laabatay magaalada Baydhabo kadib socdaal ay kutageen isaga iyo Ra'isul wasaare Geedi dalka Biljim Iyo suudaan ayaa sheeagay in socdaalladii ay ku tageen dalalkaasi ay ku soo guulaysteen.

Hadal kooban oo uu u jeediyay xubno ka tirsan labada gole ee dowlada KMG o ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaaha Baydhabo ayuu usheegay in uu caalamku u diyaaar uyahay inuu wax laqabto Soomaaliya.

' Caalamku wuxuu diyaar u yahay inuu si fiican inoo caawiyo , shirkii aanu kaqeyb galnayna waxay ahaayeen kuwo guuleystay, ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo sheegay in heshiisyadii iyo ballanqaadyadii la soo siiyey ay u soo gudbin doonaan xubnaha dowlada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'isul wasaaraha waanu isa soo raaci laheeyn laakiin howlo ayey u hareen oo Axada ayey imaanayaan, ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo xusay in Ra'isul wasaare Geedi looga yeeray dalka Itoobiya.

Dhinaca kale wuxuu madaxwaynaha C/llahi Yuusuf sheegay inuu la soo kulmay madaxweynaha dalka kenya laakiin ma uusan faahfaahin waxyaabihii ay kawada hadleen

C/qaadir C/rashiid Sabriye
Muqdisho, Somalia
cowslafil@hotmail.com
2. WASAARADA GAASHAANDHIGA DOWLADDA KMG OO BAARLAMAANAK HORGEYSA AQORSHE KU SAABSAN NABAD GALYADA DALKA
Baydhabo
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarnta Gobalka Bay ayaa seegaya in wasaarada Gaashaandhiga dowlaa KMG ay isu diyaarineyso in xukuumadda iyo Baarlamaanka ay horgeyso qorshe faahfaahsan oo ku saabsan qaabaka lo sugi karo amniga dalka.

Qorshahan ayaa la sheagay in wasaaradu aay ku talo jirto in shirka ugu horeeya e Golaha wasiirada ee todobaadkaan gudihiisa dhacaya ay horgeyn doonto , iyadoo marka Golaha wasiiradu ay ka doodaana ay godbin doonto Golaha Baarlamaanka.

C/qaadir C/rashiid Sabriye
Muqdisho, Somalia
cowslafil@hotmail.com
3. CADDE MUUSE 'In maanta Boosaaso ay Somaliland sheegato waa mid laga arkay shacabka iyo Ciidamada Puntland
Boosaaso
Madaxwayanha maamulka Puntiland Maxamud Muuse Xirsi oo shalay dib ugu soo laabtay Puntland isagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa saxaafada u sheegay inaysan puntland ka samreyn dhul ay leedahay, waxuu tilmaamay in uu la yaabay in meel 40km boosaaso u jirto ay sheegteen Somaliland.

Cadde Muuse waxuu shegay in maanta Bosaaso la sheegto ay tahay wax laaga arkay shacabka iyo ciidanka Boliska asagoo sheegay inaysan marnaba nabadda iyo deris wanaaga Somaliland ka tageeynin hase ahaatee dhulka puntland aan marnaba la dhiibi doonin, waxuuna ka codsaday shacabka Puntland in ay sii wadaan dadaalkooda.

C/qaadir C/rashiid Sabriye
Muqdisho, Somalia
cowslafil@hotmail.com
4. Ri'sulwasare Geedi Iyo Max'ed Dheere oo ku kulmay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya
Adis Ababa
Wararak naga soo gaaraya magaalada Adis Ababa ee dalaka Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi ay ku kulmeen Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Prof, Geedi iyo Maxamed dheere.

Sida warku sheegayo labada nin oo qorshuhu ahaa inay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ku kulmaan ayaa Waxaa uyeray Ra'isul wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi inay halkaa ku kulman, lamana oga waxa ay dhaba ahaan ugu wadahadlaayaan kulankodan, waxaase loo malaynayaa in wadahadalladooda aanay kamaranaan doonin khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee dowlada KMG iyo M\Dheere iyo sidoo kale dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalda muqdisho oo M\dheere uu ka qeyb qaatay Ra'isl wasare Geedina uu mowqif adag iska taagay.

C/qaadir C/rashiid Sabriye
Muqdisho, Somalia
cowslafil@hotmail.com
5. SARAAKIIL, GANCASATO IYO RAG KALE OO MAGAC KU LEH SOOMAALIYA OO NAYROOBI U TAGAYA INAY KULAMO LA YEESHAAN
Nayroobi
Waraka naga soo gaaraya magaalada Nayrobi ee daldka Kenya ayaa shegay in saraakiil ugu tirsanan jiray ciidamdaii hore Soomaaliya , Ganacasato iyo rag kale oo caan ka ah Soomaaliya ay maanta siyaabo kale duwan ugu amba bixidoonaa magaalda Nayroobi ee dalka Kenya.

Raggaa ayaa la sheegayaa in ay Nayroobi u tegayaan si ay ula kulmaan Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka oo sida la sheegey ay kala hadlayaan arrimaha Somaaliya.

Wadahadalkan ayaa la sheegay in uu daba socdo wadahadal horey u dhaxmarey qaar ka mida ah raga shirkan ka qeyb gelaya iyo Saraakiil Mareykan ah oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo arrimaha Waxa loogu yeero argagixsada iyadoo kulankana uu u noaqnayo kii labaad oo arrimo noocas oo kale ah kagawada hadlaan labada dhinac.

C/qaadir C/rashiid Sabriye
Muqdisho, Somalia
cowslafil@hotmail.com
6. Mas'uuliyiinta Dooxada Jubba ayaa sheegay
Kismaayo.
Mas'uuliyiinta isbaheeysiga Dooxada Jubba ee ku jira baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa sheegay iney tagayaan magaalada Beydhabo si ay ugu qeybagalaan shirka goloyaasha dowladda ee halkaasi ka socda.

Sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan mas'uuliyiinta dooxada Jubba Barre Hiiraale Iyo Seerar ayaa u sheegay mas'uuliyiinta kale ee isbaheeysiga iney dhowaan tegi doonaan magaalada Baydhabo laakin ma aysan sheegin waqti go'an oo halkaasi ay tagayaan iyadoo labada nin ay ka mid yihiin xubnaha aan weli ka xaadirin fadhiyada baarlamaanka ee baydhabo.

C/qaadir C/rashiid Sabriye
Muqdisho, Somalia
cowslafil@hotmail.com
7. Magaalada Garowe ayaa nin wajiga soo duubtay 3 ruux ku dhaawacay
Garowe.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in nin wijiga soo qarsaday uu ku dhaawacay bartamaha magaaladaasi 3 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa ilaalada madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garowe.

Dadka Dhaawacmay ayaa la sheegay in ruux haweeeney ah ay ka mid tahay, iyadoo la dhigay isbitaalka magaaladaas.

Lama Oga sababta keentay in ninkani uu weeraro dadkaani hase ahaatee Ruuxa dumarka ah ayaa la sheegay in ay joogtay meel biibito ah oo shaaha laga cabo halka dadka Dhaawacmay qaarkood ay joogeen isla biibitada iyadoo si gaar ah uu ninkani u rasaaseeyay qaar kamid ah ragii fadhiyay Biibitada taasoo keentay in mid ka mid ah uu isku aadiyay haweeneey Biibitada Joogtay kadibna ay ku dhaawacmatay.

C/qaadir C/rashiid Sabriye
Muqdisho, Somalia
cowslafil@hotmail.com

KU NOQO BEYJKA WARARKA
Cowslafil.com

Friday, March 24, 2006

 

Bayaan ay BIREM kasoo saareen Muqdisho.



Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Biimaal(BIREM) wuxuu caddeynayaa in weerarkii lagu qaaday saldhigga booliska ee Marka habeenimadii talaadada soo geleysay ee ku beegneyd 20kii Maarso,saacaddu markii ay aheyd 7:30 daqiiqo ee fiidnimo,( saacadda Marka),uu ahaa mid ay fuliyeen ciidamada BIREM ee Aagga 3aad,wuxuuna ka mid ahaa howl-gallada qorsheysan ee looga xoreynayo deegaanka, burcadka Indhacadde iyo xulufadiisa, loona soo celinayo sharaftii iyo karaamadii umadda,si ay uga tashadaan aayahooda.
Dilka,silcinta,kufsiga,dhaca iyo caga jugleynta ee ay ciidamada Indhacadde kula kacaan dadka deegaanka,marna ma hakineyso halganka BIREM ay ugu jiraan xoreynta deegaankooda,weliba waxay sare u qaadeysaa siina adkeyneysaa niyadda halgamayaasha.
Indhacadde inuusan laheyn damiir banii'aadanimo,waxaa idiin caddeynaya sidii uu u dilay ninka lagu magacaabo Xasan Abow oo u dhashay beesha Biimaal.
Xasan Abow oo bishaan 12dii laga soo qabtay tuulada Sagaaroole ayaan la geynin xabsi ku sheegyada Indhacadde,waxaana lagu hayay meel qarsoon oo ka tirsan magaalada Shalambood,waxaana meydkiisa lagu soo tuuray 18kii bishaan inta u dhexeysa Buufow iyo Ceel-wareegow,isagoo gacmaha iyo lugaha ka xir xiran afkana ay sharooto kaga dheggantahay.
waxaana jirkiisa ka muuqanayay dhaawacyo gugubid iyo raadad garaacid ah oo ay u badantahay 6dii casho ee ay hayeen la jir-dilaayay,kadibna uu u naf baxay sidii loo garaacaayay.
Sidoo kale,Indhacadde in uusan u naxyn qaraabo iyo xigaalo waxaa idiin caddeynaya dilkii ay ciidamdiisu u geysteen 19kii bishaan Maarso nin ganacsade ah oo la oran jiray Warsame Gaab ayna isku heyb yihiin,kaasoo isagoo ku sugan tuulada Mustaqbal ee K/waareey ay ciidamadiisu weydiiyeen canshuur in uu ka bixiyo dibiyo uu horey usoo gatay,ka dibna markii uu dood ka keenay ay baas ku fureen sida uu Indhacadde ku amaray.
Maraxuumkaas ayaa dadkii yaqaanay waxay sheegeen in uu ahaa nin ganacsade xalaal quute ah isla mar ahaantaasna necbaa xadgudubyada ay ku kacaan ciidamada Indhacadde.
BIREM waxay cambaareyneysaa falalka xadgudubyada ah ee ka dhanka ah banii'aadinimada ee uu caadeystay Indhacadde una geystaan dadka gobolka,waxaana u soo jeedineynaa in uu faraha kala baxo howlaha amar ku taagleynta ah ee uu halkaas ka wado.
Ugu dambeyntii waxaan cid walba u cadeyneynaa in BIREM si isdabajoog ah ay howlgalo uga fulineyso gobolka Sh/hoose ilaa ay ka gaarto ujeeddooyinkkooda
Halgan - Adkeysi - Guul.

Maxamed Cusmaan YaraasAfhayeenka BIREM ee uk- londonE-MAIL ADREES lix_mooro@hotmail.co.uktel no 00447944849308 .
Afhayeenka BIREM ee Muqdisho Xaaji Ibraahim Cali (Garuun ).
C/jabar Axmed Xuseen jabtifow@gmail.com
Xafiiska Shabakada Jammaame

 

Bayaan Siyaasadeed

Bayaan siyaasadeed ka soo baxay shir socday saddex maalmood oo lagu qabtay magaaladda Melbourne ee dalka Australia oo ay ka soo qayb galeen aqoonyahanno iyo waxgadar ku abtirsada Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay tiradoodu gaareysay boqol iyo konton ruux oo ka kala yimiday dhammaan Qaarradda Australia.
Shirkaas wuxuu ku saabsanaa sidii aragti mideysan looga yeelan lahaa wax ka qabadka dhibaatada lagu hayo dadweynaha ku abtirsada G/Sh/Hoose degmooyinkiisa kala duwan. Waxaa kaloo Goobjoogayaal ka ahaa aqoonyahanno iyo wax garad u dhashay Gobollada J/Hoose iyo J/Dhexe oo la masiir ah dadyooga gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale waxaa iyadana xusid mudan in ay shirkaas ka soo qeyb galeen qubaro ku xeeldheer Xuquuqda Insaanka oo ka socotay ha’adahaas, kuwaas oo aad ugu duunduleela xadgudubyada lagu hayo dadyooga ku nool gobolladaas, waxaana halkaas loogu gudbiyey sawirro dad jirdil lagu sameynayo, qoraallo gudaha laga soo diyaariyey oo tifaftirayey xad dhaafka wax soo saarka daroogada oo tuugada gobolka xoogga ku haysta ay ugu beddeleen wax soo saarkii caadiga ahaa ee beeraha iyo sida cashuur ku sheegga baadka ah oo dadka masaakiinta oo qutul yoonkooda aan ku filneyn.
Waxa sidaas oo kale shirka ka soo qeybgalay qubaro ka socotay daryeelka bayada (Environmental Groups) oo shirka soo hor dhigay qoraal ay hay’adda ka soo diyaarisay xaalufka xad dhaafka ah ee loo geystay welina ka socota dhulka hawdka ah ee xoolo dhaqatada gobolka nolosha u ahayd iyo weliba duurjoogtaba. Waxaase intaas ka sii darnaa in ay hay’addu ka fajasaneyd sida loo xaalufiyey geedmiroodkii dhul beereedka gobolka sida Cambaha, Bambeelmada iyo Mukayda oo ahaa calaamada dhul biyoodka.
Dulucda shirka oo ahayd in la xoojiyo, laguna midoowo kacdoonka xaq u dirirka ah ee ka socda gobolka oo looga soo horjeedo maamulka sharci darrada ah ku dhisan oo Galgaddud iyo Mudug ku abtirsada. Halgankaas oo ujeedadiisu tahay afka ciida loogu derayo cadawga, laguna soo celiyo sharafta iyo karaamada dadyowga deggan ee Soomaalinimada iyo Islamnimada aaminsan.
Waxaa kaloo dulucda shirka ka mid ahaa in qoraallo ka hadlaaya dhibka ka taagan gobolka shabeellaha Hoose loo gudbiyo hay’adaha Caalimiga, Goboleedka, NGO’S iyo dawladaha deriska la ah Soomaaliya., waxaana arrintaas loo xil saaray xubnno saddex ruux gaaraya oo aqoon gaar ah u leh arrintaas.
Shirka intuu socday waxaa khudbado ka soo jeediyey siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad iyo xubnahii ka qaybgalayaasha oo ka kala socday gobollada J/Hoose, J/dhexe iyo weliba qubaro ka socotay hay’adaha Xuquuqal Insaanka iyo Ilaalinta Bayada.
Gabagabadii shirka waxaa lagu doortay guddiyo saddex ah iyo Afhayeen. Guddiyada waxaa ka mid:
1- Guddiga isku xirka Beelaha iyo mideynta2- Guddiga Qoraallada iyo Warfaafinta( Media)3- Dhaqaalaha iyo4- Siyaasadda ( oo loo xilsaaray in soo jeediyo magic mideeya halganka)
Afhayeena waxaa loo doortay : PHD Mr Cabdi Issaq Axmed.
Baaqa shirka
1-Shirka wuxuu ugu baaqayaa dadyowga ku abtirsada Gobolka in ay ka midowaan la dagaalanka cadawga.
2-In ay isku geeyaan, talis mideysan u sameeyaan Ciidamada hubeysan
3- In laga abaabulo shirar lagu mideynayo dadka ku abtirsada ee ku nool qaarradaha adduunka
4-In dhaqaale xooggan si deg deg ah loo abaabulo ayadoo lala kaashanaya cid kasta oo daneyneysa wax ka qabadka dulunka lagu hayo dadka gobolka ku abtirsada
5-In dawladda ku Meel Gaarka ah gaar ahaan xidhibaannada iyo wasiirrada ugu jiro beelaha gobolka ay si cad arrintaan uga doodaan si wada jir ah.
Wabillahi Tawfiiq
Afhayeenka golaha
PHD Mr.Cabdi Issaq Axmed

Xafiiska Shabakada Jammaame

 

Baaq uu soo saarey af-hayeenka GABB

KU: DHAMMAAN JAALIYADDAHA B. BIIMAAL EE KU KALA NOOL DAAFAHA DUNIDA
UJEEDDO: CODSI WAX KA QABASHO ABAARAHA KA TAAGAN K/SOOMAALIYA
Dhammaan Jaaliyadda Biimaal ee ku kala nool daafaha dunida waxaa laga codsanayaa inay gargaar banii’aadinimo la soo gaaraan walaalahooda ku tabaaleysan gudaha dalka oo biyo & baad la’aantu ku haysato deegaannada koonfurta Soomaaliya.
Sida aad la socotaan waxaa waddankii gaar ahaan koonfurta wada saameeyay abaaro baahsan oo haleelay guud ahaan bulshadii ku dhaqneyd koonfurta haba kala darnaadeenee, warbaahinta gudaha iyo web-site-yada ayaa ahaa kuwii ugu horreysay ee u istaagay tebinta xaqiiqada ka jirta halkaasi, isla markaana abaabulay barnaamijyo wacyigelin ah oo dhaqaale loogu ururinayo dadkaasi Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Inkastoo ay bulshada ka mid yihiin qeyb badan oo qeyr doon waxna ka geystay dhibaatooyinkaas si kala saarid la’aan ah haddana Soomaalida meel kasta oo ay joogaan kama marna qabyaaladda iyo inay u gurmadaan hadba kan soo xiga ayaga oo deegaan walba dadka ka soo jeeda ayaa qeyb lixaad leh ka qaatay sidii macaawino loo gaarsiin lahaa dadkooda ha ahaato inay u qaylo dhaamiyaan hay’aadka samafalka ama haday iyaga iska qaadi lahaayeen intaba.
Haddaba, waxaa is weydiin leh dhulka Biimaal ee abaaruhu taabteen yaa u maqan? Miyaynaan beesheenu lahayn dad aqoon leh oo ugu yaraan u qaylo dhaamiya ha’yadaha samafalka si wax loo gaarsiiyo dadkooda? Miyeynaan wax u huri karin walaalaheena gaajadu iyo oonku ugu leynaaya dhulkii? Qof walboow dib isugu noqo oo is xisaabi naftaada, waxna u hur walaalahaada ku dhibaateysan Soomaaliya, Ilaahay xasanaatkaaga hakuugu daree, ogowna sadaqo waxaa ugu kheyr badan midka qaraabada & riximka la siiyo.
Haddii aan wax ka tilmaanno meelaha abaaruhu saameeyeen waxaa ka mid ah deegaanka Jammaame iyo tuulooyinka hoos yimaada, Dhinaca Marka waxaa aad loogu baaba’san yahay tuulooyinka xeebaha sida, Ceel Caddow, Buulo-Harraan, Muungi, Ceel-Axmed, Boorow, Daydoog, iyo qeybo badan oo dhoobeyda ka tirsan, waxaa inta ka sii daran deegaanka No.50 oo biya la’aan baahsan ay ka jirto dadkiina ay ka soo qaxayaan si ay u helaan dhul biya leh.
Deegaanka No.50 wax ka qabashada abaaraha hadda taagan ka sokow wuuxuu u baahan yahay in il gaar ah, lagu fiiriyo waayo haddii aan Biimaalka meesha degan loo helin ceel biyood si ay u degenaadaan halkaasi waxaa iska cad inay soo faaruqinayaan oo ay ku fidayaan beelaha dereska la ah, ee gargaarka meeshooda loogu geeyo, ayna oogu geeyaan kuwa ay ku abtirsadaa,ka dibna ku wareegaayo, haddaba Biimaalow dad nool ayaa Alla idinka dhigay ficiinna waxba idinma dheeraa ee isku tashada, gacantana fura oo isbara horta inaad wax bixisaan, ogaadana meeshii wax laga baxsho ayay wax ku darsamaan. Waxaan idinka rajeynaynaa waxqabad iyo in talaabo hore loo qaado.

Af-hayeenka GABB Maxamed Cabdulaahi yam yam yam_yam_3@hotmail.com
Xafiiska Shabakada Jammaame

Sunday, March 19, 2006

 

Dir (clan)

Dir (clan)
From Wikipedia, the free encyclopedia

Dir is a Somali clan whose members live in northern Somalia.

The Somali people are composed of four major tribes. The Dir, Hawiye, Darod, and Rahanweyn make up the majority of Somalis. The Dir are the most ancient Somali clan, and they are the most widespread group. They primarily live in Djibouti as the Issa and Gadabuursi. The northern clans of the self-declared Somaliland, namely the Isaaq, Gadabuursi,and Issa are also all Dir. In Ethiopia, the Dir clans are also the most numerous Somali clan group.

Southern Dir groups claim direct descent from Hiil, Samaale, Aji, Irir, who was the direct father of Dir. One of the brothers of the Dir included the Digaale and the Hawiye.

According to the Dir clan histories, Dir had four sons named Madahweyn, Mandaluug, Madoobe, and Mahe Dir; according to others Dir had a fifth son named Qaldho Dir.

The Dir in Ethiopia are represented by the Gariir, Gurgure, Guure, Layiile, and Akisho groups (all of which are part of the larger Madaxweyn Dir group), along with Issas, Jaarso, Quranyo Maxamed, Gadabuursi, Gadsan, Fiqi Muhumand, Qubeys, Mandaluulg, Baajimaal, and Wardaai. The majority live in the Dira Dhabe area, Jijiga region, and by the Awash River. The rest of the Ethiopian Dir clans live in southern parts near the Somali border near Dollo Ado and as far as Guure Dhamoole and Negele Boran.

In the Mudug region of central Somalia and all the way to Hiiraan region is another cluster of Dir clans known as the Suure. The Suure have been associated with spreading the Islamic faith in Somalia and the Qadiriya Sufi tariiqa in southren Somalia. The Suure are among the most influential Dir groups in Southern Somalia, and their territories include large areas of the Mudug and Galgaduud regions. Also the Suure have founded major trade cities in the Hiiran area including Alaabay and Kamhanley.

The majority of western scholars (both Italian and British) simply refered to the Surre as the "Dir of central Somalia" without differentiating them, but recent studies in Somalia reveal that the majority of the Dir in Hiiran, Gedo, Jubba and Bakool are divided into two branches, the Qubeyes and Abdalles, both descendents of Suure.

Other branches of the Dir include the ancient Biyamaal Clan who occuppy an area from 50 km south of Mogadishu all the way down to Jilib and Kismaayo, not far from border with Kenya. The Biyomaal of Marka fought against the Italian colonial rulers of Southern Somalia in a twenty-year war known as the Biyamaal Revolt, in which the Dir assassinated several Italian governors.

The Gurgure Dir inhabit the ancient city of Dira Dhawe, which is also inhabited by the Madoobe Dir Issas.[citation needed] The first to arrive were the Gurguras who named the city Dira Dhawe, or "the place that Dir conquered or hit with his spear". Finally, the Issas and other Somali groups followed into the region and the Christian Amharas referred the region to as "Oow-raajaa na Issa na Gurgura" or the region of the Gurguras and the Issas.

Gadsan (or Gaadsan) is one of the largest tribes in Dir, especially the western Dir. They reside mainly in three districts: Liban (Jarrati, Waladaya, Doolow and Guuredhamole), Godey (Iimey and Marole), and Gashamo (Nusdariiq, Marsin, Kabtinuur and Qabridhare). There is also other large population of gaadsan, known as Gaadsan-Qalaawileey in the Shabelle and Jubba regions. In Kenya there is a third division of Gaadsan, known as Gaadsan-Kenya, found in many cities such as Bangal, Garseeni, and Holla.

Political groups associated with the Dir clans include the following groups in Somalia and Ethiopia:

Issas and Gurgure Liberation Front (IGF) of Ethiopia.
Somali Democratic Alliance (SDA) of the Gadabursi Dir clan.
Somali National Movement (SNM) of the Northern Isaaq.
Southern Somali National Movement (SSNM) of the mostly Mohamed Xiniftire Dir Clans (Bimaal, Mandaluug, and Gadsan) of Jubba, Gedo, Bardheere, and Shabeellaha Hoose region.
Democratic Liberation Front (DLF) supported Central Somalia Dir groups.

Dir subclans

Madaxweyn Dir
Gurgure: The Gurgure are divided into three major groups, Habar Daar, Quwaax and Liiban, who are made of many sub-clans:
Habar Daar
Kunduuble
Cali
Cabdille
Quwaah
Nabidoor
Gacal Waaq
Baiido
Liibaan

Gufaatiile
Sanceele
Sanaye
Guure
Jaarso
Akisho
Wara-Miyo
Reer-Warfaa
Reer-Dalal
Reer-Hawade
Reer-Liibaan
Wara-Ito
Wara-Bito
Wara-Dayo
Wara-Luujo
Wara-Heebaan
Igo
Warre-Dhanqo
Warre-Kiyo
Obo
Asaabo
Dawaaro
Wardaay
Layiile
Gariire
Jiido
Reer Aw Said and Abkeey Haji

Farah Said
Abiikar Said
Sacdi Said
Nuur Said
Ali Said
Cismaan Saciid
Huseen Said
Hassan Said
Cumar Saciid

Maha Dir (Maxamed Xiniftire)
Isaaq (Garhajis, Awal, Arap, and H.Jeclo)
Biyamaal
Sa'd
Ismiin
Suleyman
Gaadsan
Reera-Same
Adan
Yoonis
Cumar Abokor
Cumarjamc
Tagaleen
Fiqicilmi
Dhaweed
Odeymarke
Naleeye
Fiqinuur
Cumar-maxamud
Fiqicigal
Reer-smail
Reer-qaasin
Reer-sacdi
Dabruube
Barsuug
Bajimaal
Magaadle
Madiigan

Suure (Qubeys and Abdalle)

Abdalle (Gutaale)
Abdi
Fiqi Muxumed
Hogar
Laxmar
others

Nacadoor
Guuled
Xaraan
Ciise
Qotonsay
Cirday
Giir
Kaahin

Goorad




Sulayman Abdalle
Agoon
Guuled Agoon
Warsame Agoon
Cigaal Agoon
Jalaf Agoon
Dabac
Fiqi Khayre
Cumar
Haarun
Siyaad
Bayr
Cabas
Food Cade

Qubeys (Lafagaab)
Tolweyne Qubeys
Reytoonle
Faqi Cumar
Yabarcade Faqi Cumar
Fiqi Walaal (Aw-caalin, Xaaji Cabdalle)
Samafale,Maxamud weyne, Aw-Cisman, Maxamud Yare
Xassan Faqi Cumar
Rooble Cismaan (Faarax, Weheliye, Maxamed)
Aw-Macalin (Macalin Muxumed, Macalin Yusuf, Sheekh Cali, Macalin Macow)
Heeraar
Fiqi Yaxye
Caalin Mooge
Maxamed Abtiudug
Axadoobe Qubeys
Cismaan Diidshe (Cismaan Iyiinta)
Cabdalle Diidshe (Cabaas Iyiinta)
Yabadhaale Qubeys
Wayaagle
Yabarow, Xasan, Cumar, Xeefoow
Faarax
Maxamuud
Dhaayoow
Miidkasse
Axmed faarax
Afrax faarax

Mandaluug (Mahe) Dir
Gadabuursi (Samaroon)
Yuusuf
Ciise
Makidoor
Habar Cafan

Issa Madoobe Dir
Howlgati
Walaaldoon
Makahir
Mahamuud
Iidleh
Uurweyne
Fiqi
Abdalle
Wardiiq
Horoone

Habar Walaala
Geelwalaal
Howleh
Furlabe
Mahdle
Saahib
Eliye
Mamasan
Muuse

Qaldho Dir
Jeerse
Nooleh
Alle
others


Fadlan wixii aad ku dari karto ama sixi karto nala socodsii.


Saturday, December 31, 2005

 

Adal Empire

Dir Era
I researched Adal, the Islamic kigndom that existed between Eritrea all the way to Coastal City Berber.

I thought Adal was mostly Afar and Arab kingdom, but I'm suprised Somalis have connection to Adal.

When and where Adal Empire was born:
*It was on the 13th century that came to the light, in Horn of Africa, one of the strongest Empire that existed in East Africa. Adal Empire had its origine in the city of Zeyla, situated until today in the northern region of the former Democratic Republic of Somalia. The father of that State was King Omar D. Ahmed (nicknamed Aw-Barkhadle). The king who had a long live, occupied the throne for many years. When he passed away, he left behind him many children, mainly males. Among them, the successors to the throne who inherited the kingdom. Later, Adal Empire became an Islamic Empire that expanded the religion of Islam with determination, into the entire Horn of Africa. Remarked by its faithful actions, other Islamic States in the world called Adal Empire "Diraasal-Islaam".

During the centuries that followed, Adal Empire was engaged into many wars against the Abysinians (Habasha), where thousands and thousands individuals died. At that time, Adal Empire became the most loved Islamic State among the entire Islamic Nations because of its determination to its cause; its strong judicial system and its faithful expansion of Islam into the territories of Abyssinians and Galas (Oromos). At that period of time, Adal Empire had a strong alliance with the Ottoman Empire of Turkey, while the Portuguese supported the Abyssinians.
Geographical location of Adal Empire:
In order for you to better situate the indications that will be mentioned, you are invited to refer to the Map of Africa in 1808 as well as other maps. Saying that, to the North, Adal Empire was situated up to the region of Danaakil (actually, North of the Republic of Djibouti, populated by Afar people). While to the South, the empire had its border up to the region of Ras-Xaafuun (actually called Hays and Maydh, located in today's Region of Sanaac). From the East, Adal Empire as well as the actual State of Awdal, had the entire code facing the Red Sea while to the West, it was situated up to the Region of Shawa (in Ethiopia), also called Shawa at that time. In fact, Shawa was the base of the Kingdom of Abyssinia and today, it's the home of its descendents leaded by the Ethiopian government, with its capital city of Addis-Ababa.

Composition of Adal Empire:
Adal Empire was composed of seven (7) States. According to the size of their land and the military forces of each state, here is their names: Ifaad, Dawaaro, Araabiini, Hadaya, Sharqa, Baali and Daara, where each of them had its own government. Please refer to the map titled Map of Adal Empire (13th century). The largest and strongest State Ifaad, known from Egypt and "Shaam" as Zeyla's land, became later the dominant and the central one with its capital city of Zeyla. Ifaad will lead the entire Empire and will face many challenges. According to the historians of that period, Ifaad was large as 20 days of walk from North to South and 15 days of walk from East to West. Its military force was composed of 15000 cavaliers and 20000 of infantries.

In his book titled "Masaalikal-Absaar"(this is in Somali spelling), the Egyptian author, Subhul Ahsha mentioned that Zeyla was the nucleus city of Adal Empire. Continuing into the description of this city, he added that Zeyla was "The City of Light", which had many Mosques and many schools, where all kind of subjects were taught. In fact, Mr. Ahsha described Zeylac as "The Place" where one can acquire any kind of knowledge that may be taught in that period of time. The author added in his description that the people were 100% Muslim. Mr. Ahsha said that they were gathering in large number into the Mosques of the city, as faithful believers to Islam. According to this writing, these Mosques could be compared to the municipal libraries that can be found today in big cities of our century. In addition of that, schools were places where people use to enjoy meeting, share knowledge, discuss about social issues and debate intellectually. As a matter of fact, Zeyla was known as the place where the knowledge was at the merci of everyone.

Well, now that you understand the value of Adal Empire, it is reasonable that you ask what did happen to that great Empire, how did it collapse? Who were the people living under the ruling of that great Empire, well known by its strong judicial system? Who were in fact the civilized nation living in that period of time and what did become their descendants? For the time been, I need your patient in order for me to work into the information that I collected. Meaning that you will know for sure what did happen to that great Adal Empire, very soon. Concerning your questions about the people of that nation or what did they become and who are the descendants, I'm inviting you to click on "People" under "About Awdal" category and voila!

The Adal of yesterday is the Awdal of today:
First of all, though the Empire that we mention all along was called Adal Empire, in their mother language (Somali), the people of that nation called "Cadal". Translating the word Cadal into Latin gave Adal. With the time, people changed the word Adal (Cadal) to Awdal and that is how the Awdal of today is referred to the Adal Empire of yesterday.

The State of Awdal borders with Djibouti from the North-West, Ethiopia from the West, the former Democratic Republic of Somalia from the South and, the Gulf of Aden and the Red Sea from the North-East through the entire Easter coastal region. The region has an estimated land area of 22,000 sq. km and a 170 km long coastline on the Gulf of Aden and the Red Sea. Awdal experiences three distinct climatic seasons; the rainy season which starts in March and ends in July, the dry season which starts in August and lasts until November and a kind of Mediterranean Fall, from December to February. High temperatures of above 35C and 20C are observed along the coastal settlements during the summer and winter months respectively. Average annually rainfall is between 450-500 mm. the State of Awdal consists of four districts: Boroma - with Boroma City as the regional capital city, Zeila, Lughaya and Baki.

As mentioned above, the State of Awdal corresponds to the former Adal Empire, which became Gadabursi Land under the British colonial, in the 19th century. Later, it was called Awdal Region until the disintegration of the dictatorial regime of the former Democratic Republic of Somali, in 1991. the State of Awdal did not officially proclaim yet its status to the rest of the world and it's not recognized yet as an Independent Nation by the United Nations but so far, the Awdalites live in their homeland under the ruling of local authorities, with freedom. After the collapse of the Somali government in 1991, Awdalites continued to maintain a stable existence, despite the economic infrastructure left behind by British and humanitarian organizations assistance programs. The State of Awdal is one of the African's largest source of incense and myrrh, which are forestry products. Also, the Awdal's chief exports include livestock, fish, hides and skins and, petroleum products. Nowadays, as one of the most recently established nation, the State of Awdal presents a new field of study for scholars and investors.



Ahmad Guray was a Dir Somali (his mother was a Harari Ethiopian though...) The Dir are the northernmost of the 6 Somali Clans, They include the Gadabursi of Northwest Somaliland and the Iessa of Djibouti.

The capital of Adal Sultanate was Harrar (which was an Islamic center) and its major ports were Zeila and Sahil (now Berbera) Ahmad the Left-handed's army included alot of recently Islamisized Somalis from the east (like the Ogaden, and Majerteen) and also a lot of Oromo and it also covered almost all of the Afar regions. It was truly the first and only 100% Cushitic Empire.

And man, did he give the Abbysinians a run for their money! He conquered lands as deep into the Ethiopian interior as Lake Tana (the source of the blue Nile) and he was killed in battle there. Only for his wife to carry on the first Jihad in the Horn of Africa.

He was also the first non European to use cannons and muskets in his warfare

Tuesday, December 06, 2005

 

Somaliland: Elders Urge Compromise in Parliamentary Rift

The upper house of parliament in Somalia's breakaway republic of Somaliland on Monday endorsed an opposition-backed speaker whose election last week sparked scuffles among lawmakers.
In addition, the Guurti - composed of unelected Somaliland elders - urged President Dahir Riyale Kahin, whose ruling Union of Democrats (UDUB) party had opposed the selection of Abdullahi Irro as speaker, to accept its decision.

"The Council of Elders endorsed the election of the speaker of parliament and two deputies, all from the opposition," said UDUB lawmaker AbdulKadir Jirbe.

"We have accepted it and are calling on the president do the same," he told AFP.
In a statement, the Guurti urged Kahin to follow the lead of his party's lawmakers and back down on its opposition to Irro's election, which had been met with fistfights in the lower house.

Irro, backed by the opposition Kulmiye (Solidarity) and UCID (Justice and Welfare) parties, was elected on Wednesday despite UDUB claims that the move was illegal because it came after parliament's adjournment.

The rift had threatened to overshadow successful legislative elections Somaliland held in September in which the UDUB won 33 of the 82 seats while Kulmiye and the UCID took 28 and 21 seats respectively.

The vote, the enclave's third multi-party polls, was held amid high hopes it would herald international recognition for Somaliland which seceded from Somalia proper in 1991 after the ouster of strongman Mohamed Siad Barre.

While much of Somalia has disintegrated into lawlessness without any functioning central government, Somaliland has remained relatively peaceful with a homegrown administration in charge.

Despite its demands, the international community has refused to recognize the self-declared republic, fearing it could further destabilize the anarchic nation of 10 million.


Source: IOL

This page is powered by Blogger. Isn't yours?

  • Awdal News
  • Cowslafil
  • Djibnet
  • Geeska Afrika
  • Jamhuuriya
  • Jammaame
  • Haatuf News
  • HargeysaOrg
  • Hiiraan
  • Onkod
  • Saylac
  • Shabelle
  • Somaliland Future
  • Somalia Today
  • Somalilandnet
  • Somaliweyn
  • Suxufi
  • Warsid
  • Michael Moore
  • Blogs
  • Africa Unchained
  • Friends of Ethiopia
  • archives
  • 26/10/2005
  • 28/10/2005
  • 30/10/2005
  • 01/11/2005
  • 06/11/2005
  • 07/11/2005
  • 08/11/2005
  • 09/11/2005
  • 13/11/2005
  • 14/11/2005
  • 15/11/2005
  • 23/11/2005
  • 25/11/2005
  • 06/12/2005
  • 31/12/2005
  • 19/03/2006
  • 24/03/2006
  • 01/04/2006
  • 14/08/2006
  • 26/01/2007
  • Nairobi
    HargeisaHargeisa
    BoramaBorama
    MogadishuMogadishu
    AddisAbabaAddis Ababa
    BerberaBerbera
    SheikSheik Mountains
    Somaliland
    Somaliland